Guddiga doorashada iyo khilaaf xalinta heer federaal oo la magacaabay
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wuxuu magacaabay guddiyadda doorashooyinka 2020-21 iyo xalinta khilaafaadka heer federaal.
Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ka kooban 25 xubnood, halka guddiga xalinta khilaafaadka uu ka kooban yahay 21. Xubnahaas waxay ka kala yimaadeen maamulada iyo dowlada dhexe.
Guddiga doorashooyinka
- Cabdiwali Maxamuud Calmi
- Maxamed Xasan Maxamed
- Mahad Dheere Xaashi
- Mowliid Mataan Salaad
- Faadumo Maxamed Cabdullaahi
- Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam
- Caasho Abuubakar Qaasim
- Madiina Aadan Malabow
- Cabdinuur Maxamed Axmed
- Saciido Maxamed Mascuud
- Maxamed Aadam Cusmaan
- Faadumo Cabdirisaaq Sheekh Ciise
- Axmed Maxamed Ducaale
- Caydaruus Saalax Yuusuf
- Cabdijabaar Cabdullaahi Faarax
- Liibaan Abuukar Cusmaan
- Yuusuf Maxamed Kheyr
- Muuse Geelle Yuusuf
- Cabdiwali Cali Cabdulle [Timacade]
- Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dhayib
- Xaawa Xaaji Maxamed
- Liibaan Axmed Xasan
- Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf
- Cabdinaasir Maxamed Guuleed
- Maxamed Maxamuud Cadow
- Fahfaahinta kula soco wararkeena dambe
Guddiga khilaaf xalinta
- Axmed Ciise Geelle
- Maxamed Faarax Xirsi
- Cali Maxamuud Faarax
- Nimco Axmed Cabdi
- Maxamed Aweys Maxamed
- Cabdiqaadir Xuseen Cabdi
- Cabdullaahi Abii Nuur
- Xuseen Laki Maxamed Maxamuud
- Isaakho Aadan Maxamed
- Cabdirisaaq Cali Kaahin
- Amal Mustafe Muuse
- Maxamed Ibraahim Barre
- Cabdi Maxamed Sheekh
- Burhaan Cilmi Xirsi
- Yaasmiin Maxamuud Cabdi
- Xaamud Warfaa Maxamed Jaamac
- Axmed Yuusuf Maxamed
- Garaad Yuusuf Maxamuud
- Mustafa Macalin Cali Salaad
- Farxiyo Xasan Cusmaan
- Liibaan Cusmaan Nuur
Sidda ku xusan xeerka uu soo saarey wasiirka koowaad ee Soomaaliya, xubnahan waxaa la farayaa in ay waajibaadkooda ku qeexan heshiiska doorashooyinka ay u gutaan si ay ku jirto hufnaan iyo cadaalad.
Guddiyadan ayaa qorshuhu ahaa in la magacaabo inta u dhaxeysa 10 illaa 20 October. Sidoo kale, waxaa lagu wadday in 1-da November ay bilaabato doorashadda Xildhibaanadda. Guud ahaan, jadwalkaas wuu baaqdey.
Ma cadda meesha ay wax ka bilaabi doonan xubnahaan la magacaabay kuwaasoo la filayo in ay maalmaha soo aadan bilaaban kulamo ay ku dooranayaan guddoon kahor inta aysan qaadan tababar ku saabsan shaqadooda.
Dib-u-dhaca laba qodob oo muhiim u ahaa jadwalkaas ayaa sarre u qaadey walaaca xisbiyada mucaaradka gaar ahaan in coddeynta soo aadan ay ku qabsoomi doonto waqtigii loo muddeeyay.
Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa fulinta halbeegyadii loogu dareeri lahaa ku fashilantay in ay fuliso dowladda uu waqtiga kasii dhacayo ee uu hogaamiyo Farmaajo.
Muuqaalka shaacinta
GAROWE ONLINE