Diiwaan-gelinta murashaxiinta doorashada Jubaland oo dib loo furay

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Guddiga Doorashadda Jubbaland ayaa wuxuu ka jawaabay laba dalab uu uga yimid Beesha Caalamka kadib kulan ay la yeesheen madaxweynaha maamulkaasi, Khamiistii.

Codsiyadda oo uu hoos u dhigay Axmed Madoobe ayaa waxay kala ahaayeen; in dib loo furo diiwaan-gelinta murashaxiinta iyo kordhinta maalinta coddeynta madaxweynaha.

Sidda ku xusan qoraalka oo ku taariikheysan 16-ka August, guddiga ayaa dib u furay diiwaan-gelinta tartameyaasha, waxaana ay bilaabaneysaa 17-ka bishan xili ay  ku ek-tahay 19.

Doorashadda xilka ugu sareeya dowlad goboleedkaasi ayaa loo muddeeyay 22-ka, iyadda oo inta u dhaxeysa diiwaan-gelinta iyo doorashada ay khudbad jeedin doonan siyaasiyiinta.

Wararka ku xeeran tanaasulka ka yimid guddiga doorashada iyo Maamulka Jubaland ayaa salka ku haya kadib markii ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya shuruud kaga dhigey aqoon siga natiijada ka soo baxda doorashada Madaxweynaha ay tahay iyadoo dib loo furo liiska tartamayaasha islamarkaana la siiyo fursad kooxaha mucaaradka ah ku ololeeyaan.

Doorashada Jubaland ayaa sida muuqata ka duwan kuwii ka dhacey Maamulada kale ee Soomaaliya xili Beesha Caalamka gaar ahaan wadamada Al Shabaab kula dirira koonfurta Soomaaliya daneynayaan iney noqoto mid xasiloon oo aan abuurin rabshado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM