Guddiga doorashada KG oo ka hadlay faragelinta lagu eedaynayo DF

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwanaaday faragelin la sheegay inay Villa Somalia ku sameynayso doorashooyinka Madaxwaynaha ee Koonfur Galbeed.

Doorashada ayaa lagu wadaa inay si rasmi ah uqabsoonto 17-ka bishaan November, waxaana magaalada Baydhabo laga dareemayaan diyaar-garowgii ugu dambeeyay oo ay wadaan Murashaxiinta.

Xildhibaan Maxamed Nuur Sheekh Cadde oo kamid ah Guddiga doorashooyinka maamulkaasi ayaa xusay doorashada ay ku qabsoomaysa xiligii loogu talagalay, islamarkaana aysan ku imaan doonin wax dib udhac.

Mr Nuur ayaa hoosta ka xariiqay inaanu jirin faragelin ay ka walaacsan yihiin inay doorashada ku sameyaneyso madaxtooyadda dalka xili ay caasimad goboleedka Baay ay udirtay labo murashax oo ay iyadda wadato.

Murashaxiinta ayaa kala ah; Wasiirta Tamarta, mudane Laf-gareen iyo waliba Taliyahii hore ee sirdoonka Soomaaliya Xuseen Calool-kuus, kuwaasi oo dhowaan ku kulmay xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

“Maya, ma jirto faragelin aan ka walwalsanahay oo ay dowladda Federaalka ama [Villa Somalia] ay nagu hayso,” ayuu ku jawabaay Xilldhibaan Maxamed Nuur markii la waydiiyay hadii ay jirto eedaynta dowlada loo jeedinayo.

Dhinaca kale, Xilldhibaanka ayaa sharaxaad wuxuu ka bixiyay shuruudo adag oo ay dul-dhigeen murashaxiinta oo ay ugu horeyso bixinta 20 kun oo Dollar, isaga oo xusay inay ku saleeyeen taakta murashaxiinta.

“Waad ogtihiin doorashii Madaxwayne Farmaajo way ka badneed intaasi. Marka waxaan ognahay inay murashaxiinta bixin karaan, qaarkoodba ay noo sheegeen inay shubeen, marka ma ahan wax adag,” ayuu yiri Xilldhibaanka.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Maxamed Nuur Sheekh Cadde oo kamid ah Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa carabka ku adkeeyay dhex-dhaxaadnimadooda, isago xusay inaanu dhinac ujaran-jeerin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM