Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo war soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Guddiga doorashadda Koonfur Galbeed, Shaacir Cumar Bayle, ayaa meesha ka saarey dib-u-udhac mar kale ku yimaada waqitii loo qorsheeyay doorashada oo ah Dec. 19 xili hore loo dib-dhigay tiro 3 jeer ah.

Bayle ayaa tibaaxay inay udiyaar-san yihiin dhamaan adeegyadii suurtagelin lahaa qabsoomida doorashadda, wuxuuna balanqaaday inay noqon doonto mid xor oo xalaal ah, islamarkaana ka fog eexasho.

“Dib-u-dhac aan hadda ku fekerayno ma jirto..Xiliga loo qorsheeyay inay dhacaysaa..Waxaana caddeyneynaa inaan dooneyno inay noqoto mid xor oo xalaal ah,” ayuu Gudomiyuhu u sheegay warbaahinta.

Dhinaca kale, Maxamed Suldaan Maxamed, oo ah Gudoomiyaha Guddi hoosaadka diiwaan-gelinta murashaxiinta iyo nidaamka goobta ay ka qabsoomeyso coddeynta ayaa carabka ku adkeeyay in la diyaariyay madasha.

Shacabka Koonfur Galbeed ayuu ku booriyay inay kala shaqeeyaan laamaha amniga xilliga doorashadda inay sugaan nabad-gelyadda, isaga oo hay’addaha amniga ku waaniyay inay Rayidka uturaan.

Ugu dambeyntii, Gudoomiye Maxamed ayaa daboolka ka qaaday inay saacadaha nagu soo foodleh ay soo saari doonan qaabka ay udhacayso doorashadda [Habraaca], si wax kasta ay unoqdaan kuwa daafuran, siduu hadalka udhigay.

Doorashadda Koonfur Galbeed oo indhaha lagu wadada hayo ayaa waxaa ku loolamaya Mucaaradka iyo dowladda uu hogaamiyo Farmaajo, xili ay kamid tahay arrimaha keenay Mooshinka haatan ka yeelay Madaxwaynaha.

Villa Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxaa lagu eedeeyay inay faragelin ku hayso Kooxda qaban-qaabada coddeynta xili ujeedka Madaxtooyadda uu yahay inuu kusoo baxo Murashax ay iyadda dabada ka riixayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM