Guddiga doorashada maamulka G. Dhexe oo lasoo xulay

Image

June 29, 2015 (GO)- Baarlammaanka maamulka lagu dhisayo magaalada Cadaado ee loo sameynayo gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xubnaha guddiga doorashada madaxweynha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Kulanka lagu ansixiyey guddiga doorashada waxaa kasoo qayb galay 77 xildhiban. 73 xildhibaan ayaa ogolaatey, hal xildhibaan ayaa diidey halka saddex kale ka aamuseen.

Guddiga oo ka kooban sagaal xubnood islamarkaana saddex kamid ahi dumar yihiin waxay magacyadoodu kala yihiin sidan:

  1. Maxamuud Aadan Cismaan, Guddoomiye.
  2. Cabdiweli Cali Maxamuud, Xubin.
  3. Maxamed Xasan Geelle, Xubin.
  4. Farxiya Xasan Cali, Xubin.
  5. Xasan Maxamed Axmed, Xubin.
  6. Farxiya Cabdullaahi Shiikh-doon, Xubin.
  7. Canab Maxamed Cosoble, Xubin.
  8. Maxamed Mire Axmed, Xubin.
  9. Cabdiqaadir Cali Diirshe, Xubin.

Maalinta berri ah ayaa la bilaabi doonaa qabashada araajida murashaxiinta ka qayb gelaya doorashada.

Doorashada ayaa dhici doonta maalinta Sabtida ee taariikhdu ku beegan tahay July 4, 2015.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM