​Guddiga doorashada oo Barri la shaacinayo

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoomiyaha golaha Barlamanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa maanta xafiiskiisa magaladda Muqdishu ku qaabiley Guddoonka Aqalka sare ee dalka ayagoo ka wada  hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada gole  isla markaana ay u dhexmari lahayd  wad shaqayn ku dhisan  horumarinta, midnimadda iyo  adkaynta Qaranimo Somalia.

Kulankaas ayaa Guddoonka labada aqalka isku raaceen in dhakhso loo sameeyo guddiga doorashada islamarkaana la shaaciyo maalinta barri ah oo taariikhdu tahay 24 January, 2017.

Guddiga  ayaa ka shaqeyn doonta doorashadda madaxweynaha hanaanka ay u dhacayso  iyo  ku dhawaaqida xiliga rasmiga ah  ee la qabanadda doorashadda madaxweynaha.

Dhanka kale,guddoomiyaha  golaha shacabka Soomaaliyeed  Mudane Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari)  ayaa xafiiskiisa qaabilay Jabriil  Ibraahim  Cabdulle oo kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka mdaxweynaha, waxayna  ka wada hadleen  arimha doorashadda madaxweynaha.

Mudane, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa  Musharax Jabriil Ibrahim Cabdule  gudoonsiiyey  buugaaga ay ku qoranyihiin taxanaha   doorashadda  golayashaaha  Sharci dajinta qaranka  laga soo bilaabo   sanadkii 1959-kii iyo  habraaca  iyo xeer hoosada u gaarka ah  doorashadda madaxweynaha soomaaliya.

GAROWENLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM