Guddiga doorashooyinka heer federaal oo guddoon doortey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya ayaa Axada maanta ah wuxuu caasimada Muqdisho ku doortay guddoon kadib wareeg oo si weyn loogu loolamay coddeynta.

Maxamed Xasan Cirro ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha isaga oo helay 14 cod wareega labaad, wuxuuna ka adkaadey Liibaan Maxamed Xasan oo wareega labaad looga badiyey codad gaaraya 10 cod kaliya.

Cirro ayaa ahaa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka muranka ka taagnaa ee doorashooyinka kaasoo ay Villa Soomaaliya lagu eedeeyay in ay ku darsatay xubno si weyn daacad ugu ah maamulka Farmaajo.

Guddigan la isku khilaafsanaa ayaa meesha ka baxay ka gedaal markii ay mucaaradka ku doodeen in ay kamid yihiin xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda, saraakiil ka tirsan hay'adda sirdoonka qaranka.

Kala shaandheynta xubnahaas ayaa ku timid heshiis ay 27-dii May, 2021 ay Muqdisho ku saxiixeen hogaamiyeyaasha Soomaalida kadib wadahadalo maalmo badan qaatay oo ku dhexmaray magaala madaxda.

Wadaxaajoodyadaas ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxay jadwal doorasho kaasoo xeerinaya in coddeynta baarlamaanka iyo madaxweynaha ay kusoo dhamaadaan muddo 92-casho ah taasoo bartamaha looga jiro.

Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya ayaa la dooran doonaa 10-ka October, 2021, iyadda oo ay ka horeeyaan xulista xubnaha labadda aqal iyo doorashadda guddoonka labadda gole ee baarlaamaanka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho

In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 12:41PM

Xildhibaano mucaarad ku ah Maamulka Xasan Sheekh oo xayiraadda laga qaadey

Sidoo kale, wuxuu ku booriyay in ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa wadashaqaynta iyo kala dambeynta Baarlamaanka, si loo gaaro horumar waara.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 11:24AM