Guddiga Gurmadka Abaaraha oo Puntland lacag soo gaarsiiyay

Image

GAROWE, Puntland- Xubno kasocday Guddiga Gurmadka Abaaraha Somalia ee heer Federaal ayaa maanta soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe iyagoo kulan la qaaday Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi.

Xubno saddex gaaraya oo loo soo wakiishay inay deeq lacageed gaarsiiyaan dowladda Puntland, ayaa xarunta madaxtooyada loogu sameeyay soo dhaweyn iyo xog waran ku saabsan xaaladda abaaraha.

Deeq lacageed oo gaaraysa $150,000 [Boq iyo Konton Kun oo dollar] ayaa lagu wareejiyay mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo ah sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka abaaraha Puntland.

Mid kamid ah xubnahaas ayaa warbaahinta u sheegay in deeqdan lacageed ay katimid xukuumadda Somalia islamarkaana loo qaybiyay maamullada dalka, taasoo loogu talo galay in wax loogu qabto dadka dhibaatadu kasoo agaartay abaaraha.

"Deeqdan oo aan ognahay runtii inaysan kaafin karin bulshada ku nool Puntland, waxaan ugu talo galnay ugu yaraan inay quutaan 2 kun oo qoys muddo bil ah anagoo raacayna habka Qaramada Midoobay dajisay oo ah qoyskiiba 48 dollar," Sidaas waxaa yiri xubin kamid ah mas'uuliyiintii deeqda ku wareejiyay Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa xusay in lacagtan sida ugu haboon u gaarsiin doonaan dadka abaaruhu saameeyeen isagoo guddiga gurmadka Qaranka uga mahadceliyay dadaalka ay wadaan.

Wareejinta deeqdan ayaa kusoo aaday xilli badi dadkii reer Guuraaga ahaa ee ku sugnaa Puntland saameysay abaarta baahsan ee ka jrta dalka Somalia iyadoo aad u hooseeyo doorka maamulkaas kaga aadan inuu wax u qabto bulshada dhibaataysan, balse taas badalkeeda madaxda ugu saraysa Puntland ku mashquulsanaayeen arrimaha doorashadii ka dhacday waddanka ee lagu doortay mudane Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM