​Guddiga hirgelint doorashada oo hadlay

Image

MUQDISHU, Somalia- Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee heer Federal Cumar Dhegay ayaa saxaafada uga warbixiyay hawlaha horyaala, iyadoo muddo 19 cisho ah oo keliya ay ka dhimantahay wakhtigii loogu talo galay soo xulista baarlamaanka.

Cumar Dhegay ayaa ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho in madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay go’aan ka gaari dooraan jadwalka doorashada.

Dhegay ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo in doorashadu qabsoomayso wakhtigii loogu talay iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in doorashada dib loo dhigo ugu yaraan labbo bilood.

Gudoomiyaha guddiga hirgelinta doorashada heer federal ayaa intaas raaciyay inay qorshohooda iyo hanaanka kharashaadka doorashada diyaar-garowgeeda ay horgeyn doonan madaxda Soomaalida oo filayo inay Asbuucan shir isugu yimaadaan magaalada Muqdisho.

Gudoomiyuhu, wuxuu u sheegay musharixiinta u taratamaysa doorashada inay ixtiraamayaan islamarkaana ay xooga saari doonaan dhexdhexaadnimo iyo hufnaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku fashilantay inay qabato doorashada wakhtigii loogu talo galay, waxaana magaalada Muqdisho ka socda dadaalo lagu doonayo in jadwal cusub loogu soo saaro doorashada kaasoo khilaafi doona midkii lagu hishiiyay magaalada Baydhabo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM