Guddiga khilaafaadka doorashada Somalia oo ka jawaabey dalabkii beesha caalamka

Image

MUQDISHO, Somalia- Guddiga khilaafaadka doorashada Somalia ayaa warsaxafadeed ay kasoo saareen magalada Muqdishu kaga jawaabayey dalab uga yimid beesha caalamka kaasoo lagaga dalbadey kuraasta la isku haysto.

Warsaxafadeedkaan ayaa guddiga kaga hadleen heerarkii ay soo martey shaqdoooda iyo qaababka ay u baareen kuraasta muranku ka taagnaa.

Guddiga ayaa sheegey in dacwooyinka soo gaarey gaarayeen 71 Kadib Baaris iyo wareysiyo badan kadib ku soo koobeen 11 xubnood.

Xubnahan, ayaa sidoo kale xusay in tallaabo kasta oo ay qaadayeen kala tashanayeen hogaamiyaasha madasha iyo beesha caalamka, waxaynta intaas ku dareen in markii ugu dambaysay dowlaha taageera Somalia uga warameen halka ay wax marayaan.

Guddiga, ayaa sidoo kale sheegay in mudadii lagu guda jiray soo xulista xubnaha Aqalka hoose ee Barlamanka Somalia, ay heleen dacwooyin isugu jira; Musuq-maasuq, ku tagri fal awoodeed, Cod gadasho  iyo Qabaa'il laga qaaday kuraastii ay lahaayeen. 

Guddiga, ayaa wax laga xumaado ku tilmamaamay wararkii laga faafiyay iyagoo sheegay inay si hufan ugu adeegayeen bulshada Somaliyeed tallaabo kasta oo ay qaadayeena markasta ka fiirsayeen. 

Ugu dambayn Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka Somalia, ayaa diray baaq ku aadan in umadda Somaliyeed laga caawiyo abaaraha dalka jira iyagoo sidoo kale mahad-celin u jeediyay buslada Somaliyeed, beesha Caalamka, ciidamada ammaanka iyo AMISOM kalintii ay ka qaadeen soo xulista Barlamanka Somalia.

Beesha caalamka ayaa guddiga doorashada iyo madaxda madasha waydiisay sababta 24  Dacwo oo ka taagneyd kuraasta aqalka hoose loogu soo koobey 11 kursi kuwasoo ay shegeeen in madasha xal ka gaarto.

Qoraalkaan kasoo baxay guddiga khilafaadka ayaa u muuqda mid ay ku adkeysteen go'aankoodii hore ee ahaa in kuraasta la isku haysto oo u baahan in go'anaka laga gaaro yihiin 11 xubnood.

Madaxda madasha ayaa kulan muddo 10 cisho ah oo uga socdey magalada Muqdisho ayey ka soo saarin wax go'aan ah ee ku saabsan kuraasta muranku ka taagan yahay iyo khilaafka aqalka sare ee beelaha kasoo Jeeda Somaliland iyo Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM