​Guddiga khilaafaadka oo baaraya xubno kusoo baxay doorashada Aqalka hoose

Image

Guddiga khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Somalia, ayaa war-saxaafaadeed kasoo saaray doorashooyinka Labada Aqal ee Baarlamanka Somalia iyo sida ay u dhaceen.

Waxay sheegeen in boqolkiiba 40 Labada aqalba la doortay inkastoo ay walaac ka muujiyeen kuraasta qaybtood, kuwaasoo ay sheegeen in loo adeegsaday Musuq-maasuq, handadaad iyadoo lagu takri falayo awoodda iyo hantida qaranka.

Guddiga ayaa xusay inay ka xunyihiin waxyaabaha ka dhacay magaalooyinka Cadaado, Jowhar iyo Kismayo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Guddiga doorashooyinka dadban ee Somalia iyo kuwa khilaafaadkuba, ay walaac ka qabaan eedo soo baxaya oo la xiriira qaabka loo maareeyaya kuraasta qaybtood gaar ahaan Aqalka hoose.

Eedaymahaasi, waxaa ku jira Gabood-fallo, Cago juglayn loo gaystay guddiyada maaraynta doorashada, Murashaxiinta, in la maroorsaday liiska Ergooyinka, Awoodda dowladda, hantida iyo ciidamada qaranka oo loo isticmaalay sifo gaar ah ama in lagu taageero murashax gooni ah

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in labada guddi ay baarayaan eedaha la xiriira doorashada, si loo ilaaliyo kalsoonida iyo isku hallaynta laga qabi karo in dalka uu ka dhaco isbadal xalaal ah.

Baaritaanka kadib waxaa warbixintu lagu muujiyay in guddiyo qaadi doonaan tallaabada ku haboon, haddii xitaa ay noqoto in la laalo natiijada doorashada ama tartanka laga reebo murashaxiinta ku lug leh musuq-maasuqa.

Guddiyadan ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in beelaha qaar aysan u hogaansamin koontada Dumarka ee Aqalka hoose taasoo ahayd 30%.

Warar soo baxay, ayaa sheegaya in 4 kamid ah xubnihii lagusoo doortay magaalada Cadaado  lagasaari doono liiska Aqalka hoose kuwaasoo kala ah; Mahad Salaad, Abdulqaadir Gaafow, Mustafe Dhuxulow iyo Saadiq Cabdikariim.

Raggan ayaa qaybtood afduubteen Ergada doorashada, halka kuwo kalena adeegsadeen awood dowladeed.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in lagu noqon doono kursiga uu kusoo baxay Faarax Cabdulqaadir oo ah shakhsi ay isu dhowyihiin dhinaca siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Doorashada Aqalka hoose ee maamullada dalka kasocota ayaa waxaa hareerayay musuq-maasuq baahsan iyadoo beesha Caalamkuna walaac kamuujisay sida ay wax u dhaceen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM