Guddiga lagu muransan oo xubno u diray Baydhabo

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Guddiga lagu muransan-yahay ee doorashooyinka sanadka 2020-21 ayaa 12 xubnood wuxuu Talaadada maanta ah u diray Baydhabo, caasimadda ku meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Sidda ay wararku sheegayaan, xubnahaas ayaa dejiyey Xarunta Madaxtooyadda dowlad goboleedkan uu hogaamiyo Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in maamulka Laftagareen uu ku fekerayo in uu bilaabo xulista xubnaha ku metela Aqalka Sare ee baarlamanaka federaalka iyadda oo khilaaf ka jiro fulinta heshiiskii doorasho ee September.

Fahfaahinadda qaar ayaa tilmaamaya in uu jiro is-afgarad dhexmaray Laftagareen iyo Villa Soomaalia kaasoo ku saabsan in uu bilaabo doorashadda.

Laftagareen ayaa, sidda ay xoguhu muujinayaan, waxaa loo fuliyey balanqaadkaas oo ah in uu soo xusho laba xubnood oo dowlada xil laga siiyo.

"Xoghayaha joogtada xafiiska ra'iisul wasaaraha iyo gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Sarre ee dhowaan isbedelka lagu sameeyay ayaa ku yimid dalabka Laftagareen oo soo xushay xubnaha cusub ee la magacaabay," ayay sheegeen illo wareedyadda kala duwan oo ka waramay heshiiskan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa olole xoogan ugu jira in Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ay bilaabaan xulista Xildhibaanada isaga oo aaminsan in uu ka maarmo maamulada mucaaradsan ee Puntland iyo Jubaland.

Puntland iyo Jubaland ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshaha doorasho ee maamulka Farmaajo, waxaana ay diidan yihiin xubnaha aan dhexdhexaadka ahayn ee ku jira guddiga iyo ciidamadda dowladda geysay gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM