Guddiga Maaliyadda BF oo la kala diray kadib warbixintii Beyle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka Gollaha Shacabka, Cabdiweli Muudey ayaa kala diray Guddigii Maliyadda ee Baarlamaanka, maalmo kadib markii ay warbixin kasoo gudbiyeen Wasiirka Maaliyadda oo musuq-maasuq ku eedeeyeen.

Go'aankan kala dirista, ayaa yimid kadib marki Xildhibaanada Gudiga ay ku kala qeybsameen Warbixinta miisaaniyadda 2018,  oo wasaaradda maaliyadda ku eedeysay wax is-daba marin iyo lacago maqan, oo aan la ogeyn halka ay ku baxday.

Go'aankan ayaa Muudey u cuskaday in Guddiga uu kala qeybsamey, islamarkaana uu Gollaha Shacabka hortiisa isagu khilaafay warbixintooda, taasoo muujinaysa inaysan jirin wada-shaqeyn ay ku gudan karaan waajibaadkooda.

Xildhibaanada ayaa u badan kuwa Mucaaradka ku ah Xukuumadda Khayre, waxaana kala dirista lagu sameeyay loo arkaa inay tahay mid looga horgayo kacdoonkooda.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad, Cabdiweli Muudey ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo magacaabi doono Guddi cusub, oo bedela midka maanta uu kala diray.

HALKAN KA AKHRI WAREEGTADA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM