Guddiga Maaliyadda BFS oo ka jawaabay dhaliil uga timid Bayle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Guddiga Maaliyadda xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si adag wuxuu kaga jawaabay dhaliil uga timid wasiirka maaliyada.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka lacagta ee xukuumada Soomaaliya, oo ka fal-celiyay warbixin ku saabsan musuq-maasuq, oo uu Guddiga soo saarey ayaa gabi ahaanba ku tilmaamay mid “aanan run ahayn”.

Qormadda Guddi hoosaadka Aqalka Hoose ee Maaliyadda oo inta badan laga soo xigtay Hanti-dhowrka iyo Xisaabiyaha ayaa su’aal waxaa laga keenay halka ay ku baxday 20 milyan oo 50 malyuun uu Sacuudiga ugu deeqay dowladda.

“Eek run ma ahan..Waxba nagama aysan waydiinin hadii lacagtii taalo ama aysan yaalin…Waxa laysku hayo waa xisaab….Cidii 2+2 ka dooneysa 5, laga yeeli mayo, is-fahan daro inay jirto baa laga yaabaa,” ayuu Bayle u sheegay VOA-da lanateeda afka Soomaaliga.

Wasiirka Maaliyadda oo umuuqday mid si carro leh kaga jawaabaya eedaynta wax is-dabamarin ee loosoo jeediyay oo uu si xoogan isaga bari-yeelay ayaa tilmaamay in Guddigu “aanu wax caddeymo ah haynin”

Dhinaca kale, Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xoghayaha Guddiga Maaliyada ee Gollaha Shacabka, oo ka jawaabaya dhaleecaynta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in wasiirka uu warbaahinta ku dhaliilo iyaga.

Xoghaye Nuur ayaa taasi bedalkeeda wuxuu sheegay inaanu dooneyn in wasiirka uu u jawaabo, balse wuxuu si cad u sheegay inay hayaan caddeymo ku filan, ayna soo bandhigi doonan marka uu Balye hor-yimaado Gollaha.

“Halkaan ugama jawaabayo wasiirka…Golle aan ku doodno ayaan leenahay…Caddeymaha aan hayno marka uu Golluhu horyimaado ayaan soo bandhigeynaa, isna markaasi hakeeno wuxuu hayo,” ayuu raaciyay Xoghayaha.

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo aadaya xili dowladda haatan jirta ay ic-laamisay "jidaad ka dhan ah" musuq-maasuq, waxayna warbixinta Guddiga Maaliyada Gollaha Shacabka ay dharbaaxo ku noqoneysaa taasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM