Guddiga Maaliyadda BF oo isbedel lagu sameeyay

Image

MUQISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, oo war qoraal ah soo saarey ayaa sheegay in uu Dib-u-habeyn ku sameeyay Guddi hoosaadka Maaliyada.

Mursal ayaa u cus-kaday talaabada uu qaaday khilaafka xoogan oo ka dhashay warbixin uu Guddigii horey soo saarey, taasi ku tagrifal maaliyadeed ku eedaysay Wasiirka Maaliyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa magacaabay xubno cusub oo Guddiga qayb ka noqon doono, isagoo meesha ka saarey xubnihii mucaaradka ku ahaa Xukuumadda, oo ay kamid yihiin Cabdullaahi Maxamed Nuur oo la sheegay inuu ahaa shaqsigii diyaariyay warbixintii musuq maasuqa ku eedeysay Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Xildhibaanada Guddiga waxaa wali ku jira xubno mucaarad ku ah maamulka Farmaajo, sida C/xakiin Maclin Axmed iyo Mahad Maxamed Salaad, iyadoo isbedelka la sameeyay aan la ogeyn inuu wax ka bedeli doono howsha guddiga.

Talaabada Mursal ayaa imaaneysa iyadda oo todobaadyadii ugu dambeeyay u hakad ku jiray fadhiyadii Gollaha Shacabka, taasi oo la fahansan yahay inay salka ku haysay arrimo la xiriirta Guddiga Maaliyadda iyo Mooshinkii laga keenay Farmaajo.

Ku xigeenka koowaad ee Gollaha Shacabka, Cabdiweli Ibraahim Muudey, ayaa 28-kii bishii November, xili uu wadanka ka maqnaa Mursal, kala diray Guddiga Maaliyadda, kadib markii uu banaanka soo dhigay musuq-maasuqa Xukuumadda.

Guddoonka ayaa ku kala aragti duwanaaday go’aanka Mursal – Xiisad gaartay inuu Gudoomiyuhu qabto Mooshin xilka qaadis oo ka dhan ah Farmaajo – ayaa dhalatay, balse, wax kasta waxay u muuqdaan in wadahadal hoose lagu xiliyay.

Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in talaabada Mursal ay tahay mid ka farxineysa xukuumada Khayre, inkasta oo aysan meesha ka saarin inaan laga hor-dhici karin waxa uu la imaan karo Guddiga la isku shaandheeyay.

Ugu dambeyntii, Gudoomiye Mursal ayaa kula dar-daarmay Guddiga cusub inay waajibaadkood dastuuriga ah ay u gutaan sida ugu haboon ee ugu wanaagsan, islamarkaana ay si dhow ula shaqeeyaan wasaarada Maaliyadda.

Magacyada xubnaha cusub:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM