​Guddiga qaban-qaabada doorashada oo la magacaabey, gudoomiyaha aqalka sare oo hadlay

Image

MUQDISHU, Somalia- Barlamanka labada Aqal ee Somalia, ayaa maanta kullankoodii ugu horeeyay ee wada jir ah ku yeeshay magaalada Muqdishu, kaasoo ay uga doodeen arrimo ku saabsan xaaladda dalka iyo doorashada Madaxweynaha.

Xildhibaanada ayaa dood dheer kadib isku raacay qodobo ay kamid yihiin;

  • In la sameeyo guddi madaxbannaan oo ka hortaga waxyaabaha la xariira musuqmaasuqa baahsan ee dalka Somalia ka jira mudada dheer
  • Ciidamada sugaya amniga inay si toos ah u hoos tagaan guddoonka golaha shacbiga Somalia
  • In lacagaha ka soo xaroota musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Somalia lagu bxiyo wax ka qabashada xaaladda abaaraha ka jirta dalka
  • In Musharixiinta u taaga xilka madaxweynaha la weydiiyo su’aalo u dhigan hab dood wadaag ah oo wax laga weydiinayo wax qabadkiisa
  • Labada aqal ayaa isku afgartay in tirada gudiga doorashada laga dhigo 16 xubnood oo 10 ka mid ah ka imanayaan gollaha shacabka halka 6 xubnood ee kale laga soo xulayo aqalka sare.

10 kamid ah mudanayaashaas ayaa lagasoo xulay aqalka hoose halka Lixda kale yihiin mudanayaal katirsan Aqalka Sare Somalia.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Aqalka sare Somalia Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa jeediyay khudbad ku fadhiday qiimo weyn oo ka hadlay xaaladda dalka, wuxuuna soo jeediyay in laga fogaado qabiilka oo loo istaago qaranimada waddanka.

Mudane Xaashi, ayaa ku nuux nuuxsaday arrimaha dib u dhigay dalka inay yihiin waxyaabaha ku salaysan qabiilka iyo danta gaarka ah, wuxuuna taa badalkeeda soo jeediyay in dhammaan Xildhibaanada labada aqal noqdaan Adeegayaal qaran.

Wuxuu ku baaqay in laga wada shaqeeyo midnimada oo laga fogaado is-qabqabsi mudada ay xilka hayaan isagoo soo jeediyay inay noqdaan dadkii Somalia u yeeli lahaa waji kale oo wanaagsan.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli la filayo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada Madaxweynaha, waxaana caasumadda dalka ka socda loollan xoog leh oo ku qotoma helista xilka Madaxweynaha oo ay u taaganyihiin murashaxiin kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM