Guddiga qabanqaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo la shaaciyey

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaaladda Dhuusamareeb waxay kaga dhawaaqdey guddiga qabanqaabadda shiweynaha dib u heshiisiinta Galmudug.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed ku taariikheysan 17-ka bisha Julay 2019 kana soo baxdey xafiiska Wasiirka Arrimaha Audaha federaalka ayaa lagu magacaabey guddigaasi oo ka kooban 12 xubnood.

Xubnaha kasoo muuqdey guddiga ayaa waxaa kamid ah siyaasiyiin caan ah oo xilal kala duwan kasoo qabtey dalka oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi [Dr Badiyow].

Tiradda haweenka ee kooxdan isku dabaridi doonta isu imaatinkaasi ballaaran ayaa ah laba xubnood kuwaasi oo kala ah; Sahra Colaad Cabdi iyo Faadumo Axmed Caalin [Cureeji].

Magacaabistan ayaa imaaneysa iyadda oo uu ra'iisul wasaare Khayre uu ku sugan yahay xarunta Galmudug, halkaasi oo uu xusay in lagu qaban doono kulankaasi aanan wali la muddeyn.

Isaga oo Arbacadii duleedka caasimadda kula hadlaya, wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ayaa odayaasha magaaladaasi ku booriyey tanaasul iyo soo dhaweyn diiran, inta uu shirku socdo.

"Dib u heshiisiin horudhac ah oo beelaha Galmudug oo idil ah ayaa dhici doonta kahor doorashada," ayaa laga soo xigtay Khayre, oo daba dhigay "Doorasho xaq iyo xalaal ah".

Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa daba dhigay: "Cidna ma diidana in ay Dhuusamareeb tahay magaala madaxda [Galmudug]. Balse waxay doodu tahay sida loogu shaqeyn lahaa".

Ra'iisul Wasaaraha oo in ka badan laba todobaad ku sugan gobolada dhexe ayaa ka dhawaajiyey in dowladda ay dhiseyso Galmudug dhameystiran oo aanan "dhicis ahayn" kana fog khilaaf.

Galmudug, oo kamid ah maamuladii ugu dambeeyay ee dalka ka hana qaadey ayaa waxaa hareeyay khilaafaad hogaanka u dhaxeeya kaasi oo salka ku haya awood qeybsiga

HOOS KA AKHRISO MAGACYADDA XUBNAHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM