Guddiga Soomaaliya ee kiiska badda oo la maamuusay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah kasoo hoyday gal-dacwadeedkan oo taagnaa tan iyo sanadka markii uu ahaa 2014-kii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Guddiga Soomaaliya ee Kiiska Baddeena ayaa ku bogaadiyey doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen qadiyaddan Qaran iyo sida jiilasha soo socda ay tusaalaha ugu noqdeen dhanka difaaca Qarankeenna.

Farmaajo ayaa tilmaamay in guusha kiiska badda ay muujisay kobaca dareenka wadaniyadeed iyo midnimo ee shacabka Soomaaliyeed.

Guddiga ayaa uga warbixiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u xuseen guushan taariikhiga ah iyo damaashaadka ay ka dhigeen dal iyo dibadba.

"Waxuu ahaa halgan caddaaladeed oo ku astaysan aragti fog, aqoon durugsan, dhiiranaan, waddaniyad, ilaalinta ammaanada ummadda iyo difaaca dadka iyo dalka. Waxa guulaystay halgan dheer oo aannu u galnay difaaca ciiddeenna iyo sarreynta calankeenna," ayuu yiri.

Dhanka kale, Farmaajo iyo Guddiga ayaa wadajir ugu duceeyey, Alle ha u naxariistee, Eng Maxamed Cumar Saalixi oo uu hammigiisu ahaa inuu goobjoog u ahaado miraha dadaalkii uu galiyay kiiskan, isaga oo ammaan iyo mahadcelin u soo jeediyey Qareennadii iyo khubarradii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca baddeenna oo ay ugu horreeyaan Drs. Muna Sharmaan.

Kulankan waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM