Guddiga Soomaaliya ee kiiska badda oo la maamuusay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah kasoo hoyday gal-dacwadeedkan oo taagnaa tan iyo sanadka markii uu ahaa 2014-kii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Guddiga Soomaaliya ee Kiiska Baddeena ayaa ku bogaadiyey doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen qadiyaddan Qaran iyo sida jiilasha soo socda ay tusaalaha ugu noqdeen dhanka difaaca Qarankeenna.

Farmaajo ayaa tilmaamay in guusha kiiska badda ay muujisay kobaca dareenka wadaniyadeed iyo midnimo ee shacabka Soomaaliyeed.

Guddiga ayaa uga warbixiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u xuseen guushan taariikhiga ah iyo damaashaadka ay ka dhigeen dal iyo dibadba.

"Waxuu ahaa halgan caddaaladeed oo ku astaysan aragti fog, aqoon durugsan, dhiiranaan, waddaniyad, ilaalinta ammaanada ummadda iyo difaaca dadka iyo dalka. Waxa guulaystay halgan dheer oo aannu u galnay difaaca ciiddeenna iyo sarreynta calankeenna," ayuu yiri.

Dhanka kale, Farmaajo iyo Guddiga ayaa wadajir ugu duceeyey, Alle ha u naxariistee, Eng Maxamed Cumar Saalixi oo uu hammigiisu ahaa inuu goobjoog u ahaado miraha dadaalkii uu galiyay kiiskan, isaga oo ammaan iyo mahadcelin u soo jeediyey Qareennadii iyo khubarradii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca baddeenna oo ay ugu horreeyaan Drs. Muna Sharmaan.

Kulankan waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM