Guddiga xalinta xiisada Gedo oo gaarey Garbahaarey

Image
Image

GARBAHAAREY, Gedo - Guddiga dib-u-heshiisiinta gobolka Gedo ayaa Arbacada manata ah waxaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaaladda Garbahaarey ee magaala madaxda gobolkaas.

Guddigan oo ka kooban wasiiradda arrimaha gudaha maamulada Soomaaliya marka laga reebo Jubaland ayaa xukuumada xilgaarsiinta u magacowdey xal u helida xiisadda gobolka Gedo.

Magacaabida ayaa daba-socotay markii hogaamiyeyaasha Soomaalida ay ku heshiiyeen in la magacaabo guddigaas isla markaana ay muddo kooban kusoo afjaraan xalinta is-mari-waaga.

Qodobada ay xalka u goobayaan waxaa kamid ah cidda noqoneysa guddoomiyaha degmada Garbahaarey oo kamid ah degaan doorashooyinka lagu soo xulayo mudaneyaasha labadda Aqal.

Sidoo kale, wuxuu guddiga xal waara u raadinayaan is-mari-waaga u dhaxeeya qaar kamid ah bulshooyinka ku dhaqan gobolkan ay intiisa badan awood ciidan ku qabsatay dowlada federaalka.

Mudada ay ku sugan yihiin Garbahaarey, xubnaha guddiga ayaa lagu waddaa in ay dhowaan la shiraan odayaasha dhaqanka degaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda si xal oo helo.

Qadiyada gobolka Gedo ayaa kamid ahayd sababaha dib-u-dhaca iyo daahida ku keenay doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada Soomaaliya oo hadda jadwal cusub loo sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM