Guddiyadda la duray ee doorashada oo lagu taliyey in la-kala-diro
MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya waa in ay gartaan kala diridda guddiyadda doorasho ee lagu muransan yahay kahor inta aysan cadaadis ku saarin daraf shisheeye, sidda u soo jeediyey cilmi-baare.
Cabdirashiid Khaliif Xaashi, madaxa Hay'adda Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage oo ka digay in lagu shubto doorashooyinka 2020-21, ayaa ku taliyey in xubnaha haatan lagu bedelo "dad loo qaateen ah, heybad ah oo hufan".
Hay'adda Heritage oo faalo kasoo saartey coddeynta soo aadan ayaa carabka ku dhufatay in hadii guddiyadda haatan lasoo magacaabay ay maamulaan doorashada ay ka wax-is-dabamarin badbaaneyso cod-bixintii 2016-kii.
Mr Xaashi ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in guddiyada ka madax-banaanaadaan dhamaan xafiisyadda madaxda siyaasadda ku lug leh.
"Todoba talo aan soo jeedinay waxaa kamid ah guddiyaddan qaraabo kiilka iyo shaqaalaha laga soo buuxiyey in la kala diro oo dad macquul ah lasoo xulo – waa macquul waa la sameyn karaa – hadeysan annaga hadda naga maqlin [Beesha Caalamka] ayaa ku qasbi doonta oo lacagta intii ay ka joojiso ama golaha ammaanka qaraar inta kasoo saaro ayay yeeli doonan. Marka annaga oo dadkoodi ah in ay naga maqlaan baa u fiican," ayuu Xaashi u sheegay VOA Somali.
Murashaxiin madaxweyne oo wadartooda gaareyso 12 ayaa ka hor-yimid guddiyaddan, waxaana ay xuseen in lagu daray saraakiil sirdoon, shaqaale ka tirsan Madaxtooyadda Qaranka iyo taageereyaasha madaxweynaha.
Dowladda oo eedeyntaas dafirtay ayaa dab kusii shiday xiisadda, iyadoo ku adkeysatay in aysan jiri doonin isbedel lagu sameynayo guddiyadda.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, murashax madaxweyne ahna hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa xusay in madaxda waqtiga ka dhamaanayo ay abuurayaan xiisad horleh si ay u helaan muddo kororsi.
Doorashada madaxtinimada ayaa qorshuhu yahay in ay dhacdo Febraayo, 2020, halka tan baarlamaanka lasoo dhaafay waqtigeeda isla markaana lagu balansanaa in ay bilaabato 1-da bishaan aan ku jirno ee November.
Maadaama jadwalka xulista Xildhibaanadda labada gole ee sharci-dejinta uu dib-u-dhac ku yimid, waxaa suurtagal ah in tan madaxweynaha aysan waqtigeeda ku qabsoomin arrintaas oo hadii aan laga heshiin horseedi karta jahwareer.
GAROWE ONLINE