Xubnaha guddiga doorashada Puntland oo la magacaabayo

Image

05 September, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Galkacyo gaarey Afhayeen Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire, waxaana safarkiisa uu salka ku hayaa soo magacaabista xubnaha guddiga doorashada Puntland oo muddo laga sugayay madaxweyne Gaas.

Xubnaha oo ka kooban Sagaal ayaa dastuuriyan shan ka mid ah waxaa soo magacaaba madaxweynaha halka afarta kalana ay soo xulaan barlamanka, waxaa horey golaha wakiilada Puntland u soo saareen suruucdii guddiga doorashada.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda iyo maamulka gobolka Mudug ayaa galkacyo ku soo dhaweeyay, waxana hadalka kooban oo siiyay warbaahinta ku sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweynta loo sameyay isla markaana uu doonayo inu arko waxqabadka laga sameyay Galkacyo.

Shire waxa uu sheegay inay jiraan warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in madaxweynaha Puntland muddo joogayo G-alkacyo oo ka sameyn doono hormaro kala duwan, balse waxa uu tilmaamey inaysan jiri doonin in gobol kaliya eex loo sameyo hase ahaatee la wada simi doono waxqabadka xukuumaddu sameynayso.

Gudoomiyaha barlamanka aya sheegay in madaxweynaha Puntland Garowe ku laaban doono balse laabashadiisa ka hor ayay kulamo ku aaddan arinta magacabista xubnaha guddiga dorashada Galkacyo kuwada qaadan doona.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaad saddex asbuuc  ku sugnaa Galkacyo oo haatan ku shaqeeyo, waxaana ka socota waxqabad ballaaran iyo dib u qaabeyn lagu sameynayo xarunta Gobolka Mudug.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Siciid Xasan Shire ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan caleema saarka madaxweynaha Jubbaland oo lagu qaban doono Kismaayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM