Xubnaha guddiga doorashada Puntland oo la magacaabayo

Image

05 September, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Galkacyo gaarey Afhayeen Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire, waxaana safarkiisa uu salka ku hayaa soo magacaabista xubnaha guddiga doorashada Puntland oo muddo laga sugayay madaxweyne Gaas.

Xubnaha oo ka kooban Sagaal ayaa dastuuriyan shan ka mid ah waxaa soo magacaaba madaxweynaha halka afarta kalana ay soo xulaan barlamanka, waxaa horey golaha wakiilada Puntland u soo saareen suruucdii guddiga doorashada.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda iyo maamulka gobolka Mudug ayaa galkacyo ku soo dhaweeyay, waxana hadalka kooban oo siiyay warbaahinta ku sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweynta loo sameyay isla markaana uu doonayo inu arko waxqabadka laga sameyay Galkacyo.

Shire waxa uu sheegay inay jiraan warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in madaxweynaha Puntland muddo joogayo G-alkacyo oo ka sameyn doono hormaro kala duwan, balse waxa uu tilmaamey inaysan jiri doonin in gobol kaliya eex loo sameyo hase ahaatee la wada simi doono waxqabadka xukuumaddu sameynayso.

Gudoomiyaha barlamanka aya sheegay in madaxweynaha Puntland Garowe ku laaban doono balse laabashadiisa ka hor ayay kulamo ku aaddan arinta magacabista xubnaha guddiga dorashada Galkacyo kuwada qaadan doona.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaad saddex asbuuc  ku sugnaa Galkacyo oo haatan ku shaqeeyo, waxaana ka socota waxqabad ballaaran iyo dib u qaabeyn lagu sameynayo xarunta Gobolka Mudug.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Siciid Xasan Shire ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan caleema saarka madaxweynaha Jubbaland oo lagu qaban doono Kismaayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM