​Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi oo Weerar lagu dhaawacay

Image

JOWHAR, Somalia- Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee maamulka gobolka Hiiraan Maxa'ed Cabdulle Fiidow ayaa lagu dhaawacay weerar ka dhacay duleedka degmada Jowhar.

Isagoo ka hadlayay weerarka, Gudoomiye Maxa'ed Cabdulle ayaa xaqiijiyay in dhaawac fudud uu kasoo gaarey rasaas ay Al shabaab ku fureen gaarigiisa xilli uu marayay nawaaxiga deegaanka Ceel-Baraf.

Wuxuu sheegay Gudoomiyaha in mid kamid ah ilaaladiisa iyo labo katirsana Kooxda Al shabaab lagu dilay weerarka, saddex kalena lagu dhaawacay.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda khasaarahaasi.

Uururkan ayaa inta badan weeraro noocan ah ku qaada Kolonyada gaadiidka ee ciidamada SNA iyo kuwa AMISOM marka ay ku safrayaan wadooyinka gobolada Koonfurta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM