​Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somalia iyo taliyaal ciidan oo Cadaado tagay

Image

CADAADO, Somalia- Wafdi kala duwan oo isugu jira Taliyaal Ciidan iyo Guddiga doorashada Somalia, ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug.

Socdaalka Xubnaha ayaa lagu sheegay inay salka ku hayso doorashada la filayo in dalka ka dhacdo dabayaaqada sannadkan, waxayna eegayaan sida maamulkaasi u wado howlaha doorashada.

Xubnaha Cadaado tagay, waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban  Cumar Maxamed Cabdulle Dhegey, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Cali baashi Maxamed Xaaji iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Somalia Gen: Cismaan Nuur Subagle.

Mas'uuliyiintan ayaa la sheegay inay kulamo kala duwan la qaadan doonaan saraakiil sare sare oo katirsan maamulkaas iyagoo kala hadlaya sida xogtu sheegayso arrimaha doorashada.

Socdaalka wafdigan ayaa yimid, xilli guddiga doorashada ay ku celiyeen maamulkaasi xubnihii Aqalka Sare ee ay soo gudbiyeen.

Wuxuu sidoo kale kusoo aaday iyadoo maamulka Puntland ku eedaynayo ciidamada dowladda Federalka Somalia inay qayb ka yihiin dagaalka kasocda magaalada Galkacyo.

 GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM