Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo magacaabay guddi doorasho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa magacaabay guddi maamulaya doorashada wakiiladda Somaliland.

Magacaabida Xaashi ayaa kusoo hagaageysa xilli xukuumadda ay horey u soo saartey guddi ay ka banaanbaxeen murashaxiinta isla markaana sheegeen in lagu daray xubo aan dhex ahayn.

Guddiga uu magacaabay Senator Xaashi oo xubnihiisa ka kooban yihiin sideed xubnood ayaa waxaa ka dhiman saddex kale oo ay tahay in ay soo xulato dowladda, sidda heshiiska doorasho dhigayo.

Senator Xaashi oo kamid ah dhinacyadda qaadacay guddiga ay soo dhistay dowladda ayaa doodiisu ku saleysan tahay in uu isagu soo magacaabayo ama ugu yaraan uu talo ku yeesho xubnaha.

Dooda ku saabsan guddiyadda ayaa horey dib-u-dhigtay jadwalkii coddeynta ee xeerinayey in xulista Xildhibaanadda baarlamaanka 10aad ay bilaabto 1-da November ee sanadkan 2020-ka.

Murashaxiinta isbedel doonka ah oo ku shirsan Muqdisho ayaa la filayaa in ay go'aano soo saaraan maalmaha soo aadan, waxaana kamid ah bayaankooda in guddiyada ay talo ku yeeshaan.

Maadaama xukuumadda horey u diidey in ay bedesho xubnaha laga hor-yimid ayna howlgelisay iyaddoo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland, waxaa laga cabsi qabaa in laba doorasho ay dhacdo.

Hoos ka akhriso magacyadda xubnaha guddiga Xaashi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM