Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka Qaran oo xilka laga qaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa xilka qaadis lagu sameeyay, isla mar ahaanta ka saaray xubinnimada Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka heer qaran, Sayid Cali Sheekh Maxamed.

Tallaadabadan ay ka dambeysay kadib markii Xaliimo Yareey oo ah ah gudoomiyaha Guddiga Xaliimo Yareey ay dacwado ka gudbisay ku xigeenkeeda, Sayid Cali oo ay ku eedeysay inuu maleegayay inuu dumiyo guddiga.

"Sharciga guddiga lagu dhisay ee Sharci Lr.04. Qodobkiisa 10aad. ayaa guddiga awood u siinaya in uu xilka ka qaadi karo xubin ka mid ah haddii ay jebisa sharciga guddiga. Dacwadaha ka dhasha go'aankan guddiga ayaa waxaa kaliya go'aan ka gaari kara maxkamadda sare ee dalka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga.

Kiiskan ayaa soo socday muddo lix bilood ah, waxana gabagabadii guddigu soo saareen go'aan ay ku caddaynayan in ay xilka iyo xubinnimada labadaba ka qaadeen Sayid Cali.

Guddiga doorashooyinka oo ka kooban sagaal xubnood ayaa la aasaasay April 2, 2015. Go'aankan cayrinta xubinta guddiga ayaa ah kii u horreeyey guddigu ku qaado xubin ka tirsan. 

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Khayre, Wasiirka arrimaha gudaha, Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo labada gudoon ee Gollaha shacabka iyo Aqalka Sare ayaa la ogeysiiyay go'aanka shaqada looga eryay mas'uulkan.

Xaliimo Yarey ayaa lagu eedeeyay inay Guddiga ku hogaamin waysay howlihii loo dhisay, iyadoo ka gaabisay shaqooyin culus oo horyaalla, waxaana waxqabadkeeda ku kooban yahay diiwaangelinta Xisbiyo siyaasadeed.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM