Guddoomiyihii gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasumadda Muqdishu Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Gudoomiyaha gobolka ayaa  magacaabay Taabit Cabdi Maxamed oo horay usoo noqday  Safiir ku-xigeenka Somalia ee Mareykanka.

Taabid ayaa sidoo kale mar soo noqday Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada.

Xil ka qaadista Guddoomiyaha Banaadir ayaa qayb ka ahayd mid uu sameeyay maanta madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, oo galaaftay taliyaasha Booliiska, Milateriga, Sirdoonka, Booliiska iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka.

Tallaabadan ayaa u muuqatay mid Madaxweyne Farmaajo ku doonayo inuu is-badal ku sameeyo, maadama uu horay u ballan qaaday inuu dalka wax ka qaban doono.

Farmaajo ayaa is badalkiisii ugu ballaarnaa sameeyay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Febraayo ee sannadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM