Guddoomiyihii Hodan oo la shaaciyey in "si ola kac ah" loo dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa si ola kac ah u dilay guddoomiyihii degmada Hodan, Cabdikariin Dhego-juun, sidda lagu soo gabagabeeyay baaritaanka guddiga loo saarey ku sameeyay kiiskan dhacay horaantii sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka.

Cabdullaahi Buula Kamey, xeer-ilaaliyaha maxkamada ciidamadda oo u waramay warbaahinta dowladda, ayaa shaaca ka dhigay in Axada maanta ah ay bilaabaneyso dhageysiga gal-dacwadeedkan.

Mr Kamey ayaa intaas ku daray in dacwad-oogeyaasha ay xeer-beegtada la wadaagi doonan caddeymaha muujinaya in falkan uu ahaa "mid ku talagala ah iyo magacyadda shaqsiyaadka lagu tuhmayo".

Dhego-juun ayaa la dilay habeen saq dhexe ah xilli uu kormeer ku marayey isgoyska Jid-mareexan ee magaalada Muqdisho.

Shaacinta in lasoo afmeeray baaritaanka ayaa kusoo hagaageysa maalmo kadib markii xubno ka tirsan bulshadda uu kasoo jeedo marxuumka ay warbaahinta ka sheegeen in aysan wali helin cadaalad rasmi ah.

Khaarijinta marxuumka oo timid saacado kadib markii uu waddanka Turkiga uga soo laabtey howla caafimaad markii qarax uu ku dhaawacmay ayaa waxaa loo xiray loo eryay taliyeyaal ciidan iyo askar wehlisay.

Kiiskan ayaa u muuqda mid ka duwanaan doona dhacdooyinkii hore loogu beegsaday mas'uuliyiin ama saraakiil ciidan kuwaasoo guddiga loo saarey baaritaankooda aysan wax natiijo ah kasoo bixin. Wallow wax is-bedeli karaan, haddana xukunka maxkamada ayaa la dhowrayaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka qeyb-galay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin AFRICOM.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 09:47AM

Abiy Axmed oo ku wajahan Muqdisho si uu wadahadal ula yeesho Xasan Sheekh

Ajendaha booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho waxaa ku jira wadahadallo ku saabsan doorka Itoobiya ee hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 08:41AM