Guddoomiyihii Hodan oo la shaaciyey in "si ola kac ah" loo dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa si ola kac ah u dilay guddoomiyihii degmada Hodan, Cabdikariin Dhego-juun, sidda lagu soo gabagabeeyay baaritaanka guddiga loo saarey ku sameeyay kiiskan dhacay horaantii sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka.

Cabdullaahi Buula Kamey, xeer-ilaaliyaha maxkamada ciidamadda oo u waramay warbaahinta dowladda, ayaa shaaca ka dhigay in Axada maanta ah ay bilaabaneyso dhageysiga gal-dacwadeedkan.

Mr Kamey ayaa intaas ku daray in dacwad-oogeyaasha ay xeer-beegtada la wadaagi doonan caddeymaha muujinaya in falkan uu ahaa "mid ku talagala ah iyo magacyadda shaqsiyaadka lagu tuhmayo".

Dhego-juun ayaa la dilay habeen saq dhexe ah xilli uu kormeer ku marayey isgoyska Jid-mareexan ee magaalada Muqdisho.

Shaacinta in lasoo afmeeray baaritaanka ayaa kusoo hagaageysa maalmo kadib markii xubno ka tirsan bulshadda uu kasoo jeedo marxuumka ay warbaahinta ka sheegeen in aysan wali helin cadaalad rasmi ah.

Khaarijinta marxuumka oo timid saacado kadib markii uu waddanka Turkiga uga soo laabtey howla caafimaad markii qarax uu ku dhaawacmay ayaa waxaa loo xiray loo eryay taliyeyaal ciidan iyo askar wehlisay.

Kiiskan ayaa u muuqda mid ka duwanaan doona dhacdooyinkii hore loogu beegsaday mas'uuliyiin ama saraakiil ciidan kuwaasoo guddiga loo saarey baaritaankooda aysan wax natiijo ah kasoo bixin. Wallow wax is-bedeli karaan, haddana xukunka maxkamada ayaa la dhowrayaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM