Guddoonka guddiga doorashada Somaliland oo la kala diray

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa ku dhawaaqay in la kala diray guddoonkii halka dhinac ee ay kala doorteen labada garab ee ay u kala jabeen guddiga doorashada kuraasta gobolada waqooyi.

Sida ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa "soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada".

Rooble ayaa ku booryey xubnaha guddiga "in laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan".

"Eng. Rooble ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, isla markaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada".

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa horey kulamo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhashay hoggaanka guddiyada doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland ula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Qadiyada kuraasta Somaliland ayaa kamid ahayd sababihii dib-u-dhac ballaaran ku keenay qabsoomida doorashooyinka federaalka Soomaaliya, iyadda oo isbedelkan hadda la sameeyay ay biyo-qabow ku shubeyso is-mari-waaga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM