Gudiga Doorashooyinka oo hortagey Baarlamaanka Somalia [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Gudiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta hor-tagey Gollaha Shacabka, isagoo ka jawaabay Su'aallo la xiriira u diyaar-garowga Doorashada 2021-da. 

Kulanka oo ahaa kii 5-aad, ee Kalfadhiga labaad ayaa waxaa soo xaadiray 165 Xildhibaan, waxaana shir gudoomiyay Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim [Xaliimo Yareey], oo ah Gudoomiyaha Gudiga, ayaa warbixin ka siiyay Xildhibaanada qorshaha ku aadan arrimaha doorashada, iyo caqabadaha jira qaabkii looga gudbi karo. 

Arrimaha Somaliland ayay sheegtay inay yihiin Caqabada ugu weyn ee horyaalla in Doorasho laga hergeliyo guud ahaan Somalia sanadka 2021, taasina waxay sheegtay inay tahay mid Siyaasadeed, oo xalkeeda looga fadhiyo Madaxda sare ee dalka.

Dhanka Nabadgelyada, waxay sheegtay Xaliimo Yareey in Wasiirka Arrimaha amniga gudaha uu u balan-qaadey in mudo labo sano gudahooda laguu xasilinayo dhamaan goobaha codbixinta Doorashooyinka.

Xaliimo Yareey waxay sidoo kale carabka ku dhufatay arrimaha diiwaangelinta Xabsiyada Sidaadeed, oo muhiim u ah dimuqaraadiyeynta dalka, maadaama doorashada soo socota la filayo inay noqoto mid qof iyo cod ah.

Dib u eegista Miisaaniyada 2017 ee hortaalla Gollaha Shacabka, ayay sheegtay inay codsadeen in lagu soo daro dhaqaalaha ku baqaya shaqooyinka Gudiga, balse wali aan Wasiirka maaliyadda kusoo darin.

"Gudiga waxuu u gudbiyay Wasiirka Maaliyadda dhaqaale ku jaan go'an fududeynta shaqooyinkiisa sanadkan 2017, balse nasiib darro wali laguma soo darin," ayay tiri Xaliimo Yareey.

Waxay kaloo xustay in arrimaha ay u baahan yihiin in laga caawiyo inay yihiin agabka iyo dhaqaalaha, maadaama ay doonayaan inay furaan xasfiiyo kala duwan, oo ay ku shaqeeyaan.

Hogaamiyaasha dalka ayaa looga fadhigaa inay go'aan ka gaaraan nooca doorasho ee la qabanayo 2021, iyadoo ay horey dowladda Farmaajo u balan-qaadey inay gaarsiin doonto dalka nidaamka qof iyo cod.

Gudigan waxaa loo igmaday diyaarinta iyo maamulida Doorashooyinka dalka, waxaana waxqabadkiisa uu yahay mid si weyn looga dareemay dalka, maadaama geedi socodkiisa uu yahay mid gaabis ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM