Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo xilka qaadey [Akhri Sababta]

Image

JOWHAR, Somaaliya - Madaxweynaha cusub, ee maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaadey Gudoomiyahii gobolka Hiiraan, Cumar Aadan Deeqow (Cumar Baadiyow).

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in duubabka dhaqanka ay codsadeen in xilka laga qaado Gudoomiyaha Hiiraan, iyadoo aan la sheegin sababta ka dambaysa.

Madaxweyne Waare ayaa Cali Jeyte Cismaan u magacaabay Gudoomiyaha xilka gobolka Hiiraan. 

Cumar Baadiyow ayaa xilka Gudoomiyaha Hiiraan, waxaa u magacaabay Madaxweynihii xilka laga qaadey ee HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble bishii lasoo dhaafey ee June, 2017.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helay ayaa sheegaya in Cali Jeyte oo kasoo jeeda Beesha Xawaadle, oo ahaa madaxii Ololaha Doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Waare ayaa xil ka qaadistan sameeyay, isagoo aan wali la caleema-saarin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM