Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo balan qaadey la dagaalanka musuqmaasuqa

Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa kala wareegay xafiiska Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), oo xilkaasi oo hayay tan iyo October, 2015.

Ra'iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Farah Siciid (Juxa) iyo madax kale ayaa ka qeybgalay xaflada xil-wareejinta oo ka dhacday Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Thaabit oo hadal ka jeediyay munaasabada uu xilka kula wareegay ayaa sheegaya in uu ahmiyada kowaad siin doono xuquuqda shaqaalaha, amniga, dib u dhiska Muqdishu iyo kobcinta dhaqaalaha.

Balanqaadka Thaabit

Dib u soo celinta amniga, Biyo nadiif ah, Ilaalinta amaanada shacabka, Dhismaha wadooyinka, Daryeel caafimaad, Waxbrasho tayo leh iyo sareynta sharciga dalka.

Thaabit Cabdi Maxamed ayaa balan-qaaday sidoo kale inuu wax ka qaban doono kahor-tagista musuq-maasuqa iyo baabi'inta ku xad-gudubka xafiisyada dowladda hoose ee Xamar.

"Dhaqaalaha aan haysano waxaa qeyb ahaan bixiya dadka saboolka ah, oo alaabo yaryar ku iibiya wadooyinka, qof kastoo si xun u adeegsada dhaqaalahaasi tallaabo ayaan ka qaadi doonaa," ayuu yiri Gudoomiye Thaabit.

Thaabit Cabdi Maxamed oo ahaa ku xigeenka Safiirka Somalia ee Mareykanka, ayaa todobaad kahor loo magacaabay Gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyo duqa Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Addis Ababa xili Al-Shabaab oo Qabsatay Maxaas

Macwiisleyda ayaa ka filayay Al-Shabaab dhanka waqooyi inay uga imaanayso, balse Koonfurta ayaa looga yimid.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 12:41PM