Gudoomiyaha gobolka Sh/Hoose oo Qarax lagu dhaawacay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qaraxyo maanta ka dhacay duleedka Muqdisho kaasoo lala eegtay Kolonyo uu la socday Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre iyo Mas'uuliyiin kale.

Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in Maxamed Ibraahim Barre uu ku dhaawacamay qaraxa labaad oo lagula eegtay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa miinooyinka meelaha fog laga hago ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay Hal Askari oo kamid ahaa Ilaalada Gudoomiyaha, iyadoo dadka dhaawacmay ay kamid tahay gabar Gudoomiye ka ah Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dhaawaca Gudoomiyaha gobolka ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud, islamarkaana uu hadda si caadi ah u wato howlihiisa shaqo, iyadoo markii lala beegsanayay qaraxyada uu kusii jeeday degmada Afgooye, isagoo ka yimid dhanka Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al Qaacida ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka lala damacsanaa in lagu khaarijiyo gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre kaasoo xilkan uu u magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan 20-kii May.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah goobaha ay Al-Shabaab ku awood badan tahay dalka, iyadoo ay ka dhacayaan qaraxyo iyo weeraro joogto ah oo lala eeganaya Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo mas'uuliyiinta ku safra wadooyinka isku xira degmooyinka gobolkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM