Gudoomiyaha Gollaha shacabka oo shirar is-daba joog ah kawada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ahna ku simaha Madaxwaynaha dalka iyo ku xigeenkiisa labaad ee Golaha Shacabka ayaa maanta oo Khamiis kulan la qaatay xubno ka socday Midowga Yurub.

Dhinacyadda ayaa ka wada hadlay sidii Midowga Yurub uu usii xoojin lahaa taageerida Golaha shacabka, taasoo isugu jirta tayo dhisida gudiyada Golaha,kala talinta dejinta sharciyada gacanta ku haaya iyo sidoo kale dar dar gelinta wada shaqeynta.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Gudoomiye Mursal, kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Warsidaha Garowe Online waxaa lagu sheegay in leysla meel-dhigay dhamaan qodobadda ay isla gorfeeyeen masuuliyiinta kulmay, iyo fulintooda.

Warka ayaa intaas ku daraya in Gudoomiye Mursal uu uga mahad celiyay ururka Midowga Yurub talaabooyinka uu Dowladda Soomaaliyeed ku taageeraayo, kuwaasoo isugu jira dhinacyadda, siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo bani'aadanimadda.

Kulanka dhex-maray xubnaha Midowga Yurub iyo Gudoomiyaha iyo ku xigeenka labaad ee Gollaha Shacabka ayaa wuxuu daba socday mid ay la qaateen Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka, kaasoo arrimaha doorashadda diiradda lagu saarey.

Doorashadda 2020 ayuu qorshuhu yahay inay noqoto qof iyo cod, waxaana Guddiga uu rajo ka muujiyay inay noqto doorashadda mid udhacday, inkasta oo uu qiray inay jiraan cabaqado sababi kara inuu dib udhac yimaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM