Gudoomiyaha midowga Africa oo imaanaya Muqdishu, wadooyinka xiran

Image

MUQDISHU, Somalia  - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay xiray wadooyinka magaalada Muqdishu, oo la filayo inuu booqasho ku yimaado Gudoomiyaha cusub, ee Ururka Midowga Africa  Moussa Faki Mahamat.

 Shacabka ayaa ku waaberiistay saakay wadooyinka oo xiran iyo ciidamo lasoo dhoobay Isgoysyada kuwaasi oo celinaya Gaadiidka dadweynaha, ee isaga kala gooshi jirey wadooyinka caasumadda. 

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugida Soomaaliya ayaa gaadiidka dagaalka waxay ku gooyeen wadooyinka waaweyn, oo ay kamid yihiin Makka Al Mukarama, KM4, Zoobe, Banaadir iyo Isgoyska Dabka. 

Gaadiidka Mas'uuliyiinka iyo shaqaalaha dowladda oo kaliya ayaa loo ogolaanayaa inay isticmaalaan wadooyinka xiran, iyadoo shacabka ay u lugaynayaan goobahooda ganasciga iyo waxbarashada. 

Magaalada Muqdishu ayaa caadi ka noqotay in marka ay soo booqanayaan Mas'uuliyiinta sare la xiro wadooyinkeeda, taasi oo muujinaysa sawir ah in amniga caasumadda dalka aan la isku halayn karin. 

Fah-faahinta wagdigaaan ka filo Wararkeena dambe hadii Alle idmo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM