Gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka Jubbaland oo la doortay

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa maanta oo Sabti ah magaaladda Kismaayo ku doortay gudoomiye ku xigeeno rasmi ah.

Aadan Khaliif Xaaji ayaa waxa uu ku guuleystay xilka ku-xigeenka 1-aad ee afhayeenka Golaha Wakiiladda dowlad goboleedkaasi.

Ma jirin musharrax la taagnaa, sidaa awgeed, gacan-taag ayey ku doorteen Xildhibaanadda, isagoo helay codad gaaraya 72.

Cabdi Baaleey Xuseen ayaa dhankiisa loogu shubay guddoomiye ku-xigeenka labaad, kadib markii uu tanaasulay musharraxii la tartamayey.

Mudane Xuseen oo qaab gacan-taag loogu coddeeyay ayaa wuxuu uruur-saday codad gaaraya 73, sidda uu guddiga doorashada shaaciyey.

Xubnahan oo isla goobta lagu dhaariyey ayaa waxay mahad ballaaran u jeediyay sharcidejiyeyaasha, iyaga oo balanqaaday sarreynta sharciga.

Doorashadda Gudoonka baarlamaanka Jubbaland ayaa sidaan kusoo dhamaatay, waxaana 22-ka bishan loo balansan yahay coddeynta madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles