​Gudoomiye ku xigeenkii hore Baarlamaanka Somalia oo geeriyooday

Image

MUQDISHU, Somalia - Waxaa Xalay  Muqdishu ku geeriyooday Allaha u naxariistee Axmed Abroone Amiin, oo Gudoomiye ku xigeen kasoo noqday Baarlamaankii dowladdii KMG Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Marxuumka ayaa la sheegay in Xalay uu ku soo booday Xanuun deg deg ah kadibna la dhigay Cisbitaal ku yaalla Muqdishu, halkaasi oo uu ku dhintey Saacadu markii ay ahayd 3:00 am.

Abroone ayaa lagu xasuustaa inuu Kaalin weyn ku lahaa dedaalladii dib u heshiisiinta dalka Xiligii Dowladii lagu soo dhisay Carte, wuxuuna ahaa shaqsi firfircoon oo ka shaqeeya danta dalka.

Meydka Marxuumka ayaa lagu aasay maanta magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM