Guriga taliyaha ciidanka Asluubta oo la weeraray

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Maleyshiyo lagu tuhunsan-yahay Al-Shabaab ayaa lagu waramay in xalay ay bam-gacmeed ku weerareen guriga Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya ku leeyahay caasimada ku meelgaarka maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Guriga General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ee la beegsaday ayaa ku yaala nawaaxiga garoonka kubadda cagta Dr Ayuub oo kamid ah aagaga ay ciidamadda ugu badan ka joogaa magaaladda isla markaana ay si joogto ah uga dhacaan howlgalada amni sugida.

"Dableyda tuurtay bam-gacmeedka way ka baxsadeen goobta oo isla markiiba ay kusoo baxeen ciidamadda ilaaladda ka hayey guriga iyo kuwa kale oo dheeraad ah," ayuu yiri goobjooge.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku geeriyoodey falkaas, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ay ku jiraan askar ilaalada guriga kamid ah, sidda ay muujinayaan macluumaadka la helay.

Askarta ilaaladda guriga taliyaha ayaa weerarka kadib waxay fureen rasaas la sheegay in ay sababtay dhimashadda gabar kamid ahayd dadka degaanka oo lagu magacaabi jiray Xanaan Barre.

Ma cadda hadii gacanta lagu dhigo askariga gannay rasaasta dhimashadaas sababtay mana jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkaas oo kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka oo falka kadib bilaabay howlgalo aan la ogeyn hadii ay jiraan dad lagu soo qab-qabtey.

Habeenimadii Jimcadda ayay ahayd markii saddex qof oo askar ay ku jiraan ay ku naf-waayeen weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab ay ku ekeysay kontarool ciidamadda Koonfur Galbeed ku leeyihiin degaanka Tabeelaha oo u dhaxeeya degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM