UN oo DF u sameysay balanqaad ka dhan ah Al-Shabaab

Image

NEW YORK, USA – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay in uu si xooggan u cambaareynayo weerarkii Al-Shabaab ku qaadey maqaayadda Luul Yemeni ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Weerarkaas dhacay habeenimadii Jimcada ee todobaadkii lasoo dhaafay ayaa sababay geerida in ka badan 20 shacab ah, iyo dhaawacyada 30 kale.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab dusha saartay mas'uuliyadda falkaas ayaa sheegtay in ay beegsatay saraakiil ciidan oo waqtigaas ku sugneyd mehradda.

Guterres oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa tibaaxay in uu tacsi u dirayo eheladda iyo saaxiibada dadkooda ku waayey "weerarkaas foosha xun", isaga oo soo kabasho deg-deg ah u rajeeyay dhaawacyada wax ku noqdey falka.

"Waxaan ku baaqayaa in si deg-deg ah cadaaladda loo horgeeyo dambiileyaashii ka dambeeyay weerarkaas," ayuu hadalkiisa ku daray.

Qoraal kale oo kasoo baxay UN-ka ayaa lagu yiri: "Xoghayaha guud wuxuu ku nuux-nuuxsaday in ay si buuxda uga taageereyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay kasoo kabato kana dhici falal noocaan oo kale ah".

"Fal-dambiyeedyadda iyo weeraradda noocaan ah marnaba dadka Soomaaliyeed kama hor-istaagi karaan nabadda, xasiloonida iyo barqaadda ay goobayaan," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee xoghayaha guud ee UN-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM