Guterres: Si ula kac ah ayaa loo weeraray Xarunta UN-ka ee Muqdisho

Image

NEW YORK - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in weerarkii hoobiye ee shalay lagu qaadey xarunta UN-ka ee Muqdisho ee ahaa mid ula kac ah, isagoo si kulul u cambaareeyay falkan.

Guterres ku tilmaamay weerarka oo lagu dhaawacay labo kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo qof kale oo qan-daraasle ah mid "xad gudub ku ah sharciga caalamiga ee arrimaha bini'aadanimadda".

Xogyaha Guud ee QM ayaa u rajeeyay shaqaalaha dhaawaca ah soo kabasho deg-deg ah, waxuuna ugu baaqay mas'uuliyiinta Soomaaliya in ay "baaraan weerarka ayna si deg deg ah u keenaan kuwa mas'uulka ka ah caddaaladda,".

Guterres ayaa yiri "ficilada noocan oo kale ah hoos uma dhigi doonaan go'aanka adag ee Qaramada Midoobay ee ah inay sii wado taageeridda dadka iyo xukuumadda Soomaaliya dadaalkooda ku aaddan in ay dhisaan nabadda iyo xasiloonida dalka."

Saacado kadib weerarka hoobiye ee Xarunta UN-ka uu ku leeyahay Muqdisho, Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku amartay Wakiilka QM Nickolas Haysom inuu ka tago dalka, iyadoo ku eedeysay inuu ku xad gudbay qawaaniinta caalamiga ah ee diblomaasiyadeed iyo farageliyay madax-bannaanida qaranka.

Go'aanka lagu eryay Haysom ayaa yimid markii uu Wasaaradda Amniga u gudbiyay qoraal ay soo saareen deeq-bixiyeyaasha, oo ay uga dalbadeen inay jawaabo ka bixiso rabshadii ka dhacay Baydhabo bishii lasoo dhaafay iyo xariga Robow.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM