Guudlaawe oo isku-shaandheyn ku sameeyay wasiiradiisa

Image

JOWHAR, HirShabelle - Madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen [Guudlaawe], ayaa wuxuu isku-shaandheyn wuxuu ku sameeyay golahiisa xukuumada.

Guudlaawe oo Arbacada maanta ah wareegto soo saarey ayaa wuxuu xilka ka qaadey shan kamid ah golahiisa wasiiradda kuna bedelay shan kale oo cusub.

Wasiiradda uu magacaabay ayaa kala ah;

Maxamed Cumar Ceymoy, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka

Saalax Maxamed Xasan, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta

Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga

Isbedelkan ayaa kusoo hagaagaya xilli ay HirShabelle ay wajaheyso xaalad oo dhanka ammaanka iyo siyaasadda ah kuna furan yihiin mowdjado khilaafyo ah.

Sidoo kale, waxay kusoo aadeysaa xilli qaar kamid ah wasiiradda iyo Xildhibaanadda maamulka ay cabasho ka muujiyeen mushahar la'aan soo wajahadey.

Dhanka gobolka Hiiraan, waxaa maamulkan wali aan aqoonsan isla markaana dhowr jeer is-hortaagay in uu Beledwayne tago Jeneraal Caare iyo xubno taabacsan.

Janankan oo kamid ahaa musharaxiinta madaxtinimadda HirShabelle ee ka gadoodey doorashadii Guudlaawe ayaa sameystay jabhad hubeysan oo degaanka ah.

Dhinaca ammaanka, dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weeraro ka fulinaya magaalooyinka waaweyn oo ay kamid tahay magaala madaxda maamulka ee Jowhar.

Hoos ka akhriso qoraalka Guudlaawe

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM

Somaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixay Heshiis Shidaal

Heshiisku wuxuu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo is-weydaarsiga aqoonta, iyadoo la ka faa'ideysanayo khibrada Azerbaijan ee tamarta.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 12:46PM