Guudlaawe oo loolanka Aqalka Sare u furay darafyada siyaasada

Image
Madaxweynaha HirShabelle, Guudlaawe, ayaa u muuqanaya mid baratan adag ka dhex-bilaabaya xoogaga siyaasadeed ee wadanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa wuxuu maanta Arbacada manata ah wuxuu soo saaray Liiska musharixiinta madaxtinimada ku tartamaya 8 kursi oo Hirshabeelle ku leedahay Aqalka Sare.

Xulista wakiilada HirShabelle ee Senate-ka ayaa noqoneysa doorashadii ugu dambeysay ee dhamaan maamulada waxaana dib-u-dhigay saameyn kala duwan oo kaga imaanaysa dhinacyo badan.

Guudlaawe ayaa dib uga dhigay inuu qabto doorashadda, isagoo ka harey Maamullada kale ee qabtay doorashadda, iyadoo Puntland iyo Koonfur Galbeed ay soo dhameystireen.

Duruufo kala duwan ayaa gacmaha iyo lugaha ka xiray Guudlaawe, waxaana ku furan buuq iyo khilaafyo badan oo uga imaanaya gudaha Maamulkiisa HirShabeelle iyo dhanka Muqdisho.

Guudlaawe ayaa horey wuxuu u ku balan-qaadey in muwaadin walba uu xaq leeyahay inuu tartamo, hadii uu soo buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay musharaxiinta.

Wuxuu caddeeyay inuu kusoo dari doono liiska Musharaxiinta Aqalka sare dhamaan dadka kasoo jeeda HirShabeelle, ee doonaya inay ka qeybgalaan doorashadda.

Mucaaradka iyo dowladda Federaalka waxay saareen Guudlaawe Cadaadis xooggan inuu soo saaro Musharixiintooda, waxayna tani horseeday dib u dhaw weyn oo ku yimid xiliga doorashadda.

Muuse Suudi oo kusoo baxay liiska musharaxiinta ayaa kamid ah dadka Villa Somalia dooneysay in laga celiyo doorashadda, taasoo Guudlaawe ku adkaatay in liiska Musharixiinta ka reebo.

Villa Somalia ayaa dooneysa in Muuse Suudi lagu bedelo C/llaahi Sheekh Xasan oo isku beel kasoo jeedaan kaasoo Farmaajo aad uga difaaca Warbaahinta marka mucaaradka eedeyo.

HirShabeelle ayaa ah maamulka saameynta ugu badan ay ku leedahay Villa Somalia marka laga soo tago Koonfur Galbeed, oo doorashadii ka dhacday aad loo dhaliilay kadib markii xubnaha mucaaradka laga reebay baratanka.

Hoos ka akhriso magacyadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM