Guuleed oo sheegay in Farmaajo uusan dooneyn doorasho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Go'aanka guddoonka Aqalka Hoose ee baarlamaanka uu xayiraada ugu soo rogay 15-ka Xildhibaan Golaha Shacabka waxay caddeyneysaa in Farmaajo uusan rabin doorasho, xorriyad iyo dimuqraadiyad, sidda uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Sahan oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sidoo kale wuxuu ku eedeeyay guddoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxman, in uu baalaray shuruucda u taala dalka.

Sidda laga soo xigtay Guuleed, mudaneyaasha laga mamnuucay 5-ta kulan soo aadan ee Golaha Shacabka waxaa kaliya loo beegsaday in ay diideen muddo kororsi loo sameeyo Farmaajo.

Farmaajo oo doonaya in dib loo doorto ayaa ku dhowaad laba bilood xafiiska jooga isaga oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo ee sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka.

"Waxaan si adag u cambaareynayaa falka lagu doonaya in 15 Xildhibaan ah looga joojiyo ka qeybgalka fadhiyada golaha shacabka, ayadoo sabab looga dhigayo inay muujiyeen dareenkooda iyo fikirkooda ay kaga soo horjeesteen muddo kordhinta sharci darida ah ee loo sameynayo Farmaajo," ayuu Guuleed daabacay.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Runtii arintani waxay si cad u muujineysaa inuusan Farmaajo dooneynin doorasho, xoriyad iyo dimuqoraadiyo intaba".

"Waxaan gudoonka golaha shacabka ugu baaqayaa inay dhowraan sharciga, xoriyadda mudanayaalka iyo dimuqoraadiyadda gudaha baarlamaanka dhexdiisa," ayuu kusoo gabagabeeyay wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya.

Sabtidii tododobaadkan ayay ahayd markii Mursal uu xayiraadda kusoo rogay Xildhibaanadda oo badankooda ah mucaaradka dowladda Farmaajo. Talaabadaas waxay timid saacado kadib markii ay fashiliyeen kulan Aqalka Hoose doonayey in uu kororsi ugu sameeyo Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM