Guuleed: Farmaajo waa 'dambiile' faraha kula jira dhiig

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxwayne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa madaxwaynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku sifeeyay "dambiile ay dhiig ku qubanayaan gacmahiisa".

Hogaamiyaha xisbiga Sahan oo kasoo muuqdey shir jaraa'id oo Midowga Musharaxiinta ku qabteen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa cambaareeyay diidmada dowladda ee banaanbaxyada nabadeed.

"Waxaan annagu aaminsanahay in Farmaajo ay sharciyadiisii dhamaatay 8-dii Febraayo, shalay oo 19-kii Febraayo ay ahaydna musharaxnimadiisii ayuu soo xiray. Sidaas daraadeed, sharciyadiisii madaxweynenimadda ma jirto, musharaxnimana shalay ayuu soo xiray maadaama uu noqday nin dambiile ah oo fal-dambiyeed iyo dhiig faraha kula jira; nin dhiig iyo fal-dambiyeed lugaha kula jira in lagu abaalmariyo in uu madax sii noqdo suurtagal ah sabab loogu aamni karo in uu madax sii noqdo ma jirto," ayuu yiri isaga ka hadlaya shirka jaraa'id.

Mudaaharaadyadda ayuu cod dheer ku sheegay in ay sii socon doonan, isaga oo ku tartarsiiyey Farmaajo in uu ogolaado dibadbaxyadda "hadii ay xaqiiqo tahay sheegashadiisa ku aadan in shacabka oo dhan ay isaga taageersan yihiin".

"Farmaajo waxaa dhihi karnaa xalay iyo shalay wuxuu sameeyay wuxuu ka baxay xeyndaabkii dowladnimada, dalkana wuxuu damcay in uu u jiheeyo dagaal sokeeye iyo burbur. Laakiin, waxaan rabaa in shacabka Soomaaliyeed ku jiiftaan in aan annaga la aadin jihadaas oo hadii aan la aadi lahayn maanta Muqdisho sidday tahay ma aysan ahaadeen," ayuu ku daray hogaamiyihii hore ee Galmudug.

Mr Guuleed oo sii hadlaya ayaa ku nuux-nuux-saday: "Garashadeenaa noo diideysa, mas'uuliyadeenaa noo diideysa, dadnimadeenaa noo diideysa in uu nagu qasbo oo uu nagu riixo meel aan sax ahayn oo aan dalka iyo dadka naga u fiicneyn, laakiin waxaa xaqiiqo ah in uu isagu [Farmaajo] go’aansaday in dalkan uu geliyo dagaal sokeeye, burbur iyo baaba'; dhamaanteen – mas’uuliyiin iyo shacab – waxaa nagala rabaa in aan ninkaas gacmaha qabano".

Beesha Caasha Caalamka ayuu ku tartarsiiyey in aysan indhaha ka fiirsan talooyinka "gardarada ah ee uu qaadayo Farmaajo, hadii ay fiirsadaan oo ay ku dhiiragelidaan taas macnaheedu waxa waaye in ay raali ka yihiin waxa uu sameynayo oo ah kelitalisnimadda iyo xorriyad ku tumashadda".

Ugu dambeyntii, dadwaynaha oo uu ku booriyey in ay kasoo qeybgalaan isu-soo-baxyadda ay qorsheynayaan in ay qabtaan maalmaha nagus oo fool leh ayuu ku tartarsiiyey in ay "u hiiliyaan dowladnimo ku taabagasha xorriyadooda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maamuli Doonta Howlgalka AUSSOM

Moalim ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay sugida deegaanada muhiimka ah iyo ka saarista khataraha argagixisada.

  • Soomaliya

    28-02-2025

  • 12:07PM

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM