Guuleed: Farmaajo wuu ka baqayaa in uu doorasho galo

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey ayuu ku eedeeyay dhibaatooyinka hada dalka wajahayo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu ka cabsanayaa in uu galo doorasho daahfuran, sida uu ku eedeeyay musharax madaxwayne, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xukuuamda federaalka ayaa cuskadey in Farmaajo uu is-hortaagayo wax kasta oo lagu dardargelinayo geedi-socodka coddeynta heer federal si dalka uga baxo kala guurka.

Hogaamiyihii hore ee Galmudug oo safka hore uga jira mucaaradka maamulka waqtigu ka dhacay ayaa sheegay in Farmaajo uu "mas’uul ka yahay" xasilooni darada, xasaradaha siyaasadeed iyo burburka dhaqaale ee dalka wajahayo.

"Hal sano ayaa kasoo wareegatay markii 20-dii September, 2020, uu baarlamaanka federaalka meelmariyey heshiiska doorashooyinka dadban. Sanad kadib, doorashadii waxay ku jirtaa hubanti la’aan," ayuu Guuleed ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Guuleed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas wuxuu sii raaciyey: "Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya waxay ku jiraan khatar. Madaxweynaha waqtigu ka dhacay ayaa mas'uul ka ah. [Farmaajo] wuxuu ka baqayaa [in uu doorasho galo]".

Qoraal kale oo isla Twitter-ka uu ku daabacay ayuu ku sheegay in Farmaajo uusan tanaasul diyaar u ahayn. Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayuu ku tartarsiiyey in uu waddanka si deg-deg ah ugu jiheeyo doorashooyin loo dhan-yahay.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys masiir ah kaasoo ay qaabka uga gudubto ku xiran tahay mustaqbalka jiilka cusub iyo dowladnimadda. Haddii uu sii jiitamo is-qabqabsiga haatan jira waxaa laga cabsi qabaa in ay soo farageliso beesha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM