Guuleed: Farmaajo wuxuu naceyb ka dhex-abuuray dadka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu xilka ku wareejiyo baarlamaanka "maadaama uu dalka isku wadi waayey una tanaasuli waayay danta dalka".

Guuleed oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu "kasoo dhaqaaqay Dhuusamareeb" iyadda oo aan is-faham laga gaarin khilaafka ka taagan coddeynta 2020-21.

"Waa nasiib daro weyn inuu madaxweynihii Qaranku natiijo la’aan kasoo dhaqaaqay Dhuusamareeb isagoo diiday inuu wax tanaasul u ah u sameeyo danta dalka. Soomaaliya wixii maanta ka halaaba waxaa masuuliyadeeda qaadi doona madaxweyne Farmaajo," ayuu tibaaxay.

Intii ay wadahadalada socdeen, Farmaajo ayaa lagu waramay in uu tanaasul ka sameyn waayey mowqifka Villa Soomaaliya ee xalinta xiisada gobolka Gedo "iskuna koobay" sidii dowladiisa u maamuli lahayd Xildhibaanada ku heebta ah ee laga soo doorto gobolkaas muhiimka ah.

"Waxaa ay nagu noqotay fajac iyo ama-kaag in madaxweynihii Qaranku ka fuqi waayo gobal gaar ah iyo 16 kursi, isagoo wali ku haminaya inuu sii ahaado madaxweyne Soomaaliyeed, xili kalana la soo doorto," ayuu Guuleed hoosta ka xariiqay.

Sidda laga soo xigtay Guuleed, bulshadda Soomaaliyeed waa in ay isugu timaado shir aayo ka tashi ah kaas oo "lagu badbaadinayo dalka".

"Waxaan ku baaqeynaa in ummadda Soomaaliyeed isugu timaado shir aayo ka talin ah oo lagu badbaadinaayo Dalka iyo Dowladnimada," ayuu carabka ku adkeeyay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Qadiyada gobolka Gedo, xulista wakiilada Somaliland iyo guddiyadda lagu muransan-yahay ee xukuumadda shaacisay ayay kala yihiin qodobadda is-mari-waaga ugu xooggan uu ka taagan yahay.

"Madaxweynaha waxaan leenahay maadaama aad awoodi weysay inaad dalka isku heyso, tanaasul sameyso, oo aad abuurtay naceyb ummadda dhexdeeda ah, fadlan xilka ku wareeji Baarlamaanka si aanan loo sii kala tagin," ayuu Mr Guuleed ku nuux-nuux-saday.

Musharaxa ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay: "Sidoo kale xildhibaannada maanta ku shirsan Villa Hargeysa waxaan usoo jeedineynaa in aaney uga sii darin xaalka cakiran ee dalka, oo aaney abuurin xasarad aan laga soo waaqsan karin. Qaataanna go,aan dadlka badbaadinaya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM