​Guuleed oo amar soo rogay xilli Cadaado lagusoo dhaweeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

CADAADO, Somalia- Madaxweynaha Barlamanka Galmudug sheegeen inay xilka ka qaadeen Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado iyadoo ay soo dhaweyn u sameeyeen mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda oo ugu horeey ku-xigeenkiisa.

Mar uu warbaahinta hadal kooban siiyay, ayuu sheegay inaysan u dulqaadan dooni khalkhal amni oo laga sameeyo deegaanada Galmudug, isagoo qaadacay go'aankii xilka looga qaaday.

Wuxuu xusay in maamulkan u baahnayn dhibaato, balse ay doonayaan in horay loo sii amba qaado hormarka ay hiigsanayaan.

Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa ciidamada maamulkaasi amar ku siiyay inay dhaqan galiyaan xaaladd deg deg ah oo kusoo rogay deegaanada Galmudug.

Arrinta abaaraha ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay inay dadka iyo duunyaduba dhibaataysanyihiin sidaas awgeed loo baahanyahay in  loo istaago sidii loo caawin lahaa bulshada.

Magaalada Cadaado ayaa saaka intii uusan gaarin Madaxweyne Guuleed waxaa ka dhacay banaanbax lagu taageeraayo go’aanka ay codka kalsoonida uga qaadeen xildhibaanada Barlamanka Galmudug.

Lama oga booqashada uu Cabdikariin Guuleed ku tegey Cadaado waxay ka bedeli karto xildhibaanada Barlamanka oo ku adkeysanaya inay doorasho Madaxweyne cusub qabanqaabinayaan.

Socdaalkiisan ayaa yimid xilli shalay 54 mudane xilkii ka qaadeen iyagoo Madaxweyne ku-xigeenka faray inuu sii daadihiyo howlihii dowladda.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Barlamanka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM