Guuleed oo uga digay DF in ay siyaasadeyso Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safmarka Coronavirus khatartiisa ayuu leeyahay, balse waxaa kasii halis badan in la siyaasadeeyo, sidda uu sheegay musharax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Sahan oo Arbacada maanta ah warfidiyeenka ugu waramay  Muqdisho ayaa uga digay dowladda uga digay "in go'aanka cudurka ku dabaqdo doorashooyinka".

"Sidaas daraadeed, waxaan soo jeedinaynaa in cudurka iyo maareynta ay noqdaan wax la isla wada-og-yahay oo aysan jirin cid si gaar ah go'aan uga gaartaa maadaama uu musiibo qaran yahay," ayuu yiri.

Guuleed ayaa kasoo laabtey safar dibada ah oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku maqnaa. Imaanshiyahiisa waxay kusoo aadeysaa maalin kahor banaanbaxa Musharaxiinta u asteeyeen 19-ka Febraayo.

Xilli uu soo dhaweeyay isu-soo-baxa, madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa uga digay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey in uu isku dayo carqaladeynta in uu si nabdoon ku dhaco mudaaharaadka.

"Mudaaharaadka dowladda maxaa xalaal ka dhigay, kan mucaaradkana waxaa xaaraan ka dhigay?" ayuu is-waydiiyey, isaga oo u muuqda mid difaacaya sharciyadda qabsoomida dibad-baxa Jimcaha.

Dibad-baxaas ayaa yimid xilli dalka uu dib ugu soo laba-kacleeyay safmarka Covid-19 ayna jirto khatar dhanka ammaanka ah kuwaas oo marmarsiyo u noqon kara in dowladda baajiso mudaaharaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM