Guurtida Somaliland oo diidey heshiiskii mucaaradka iyo dowladda

Image

May 29, 2015 (GO)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa kasoo horjeestey heshiis ay xalay magaalada Hargeysa ku gaareen axsaabta siyaasadda Somaliland, kadib khilaaf muddo todobaadyo ah soo jiitameyey oo ka dhashay muddo kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyeen Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada.

Saleebaan Maxamed Aadan oo ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa manta shir-jaraa'id oo uu Hargeysa ku qabtey, wuxuu ka sheegay in qodobadii kasoo baxay heshiiskii xalay la gaarey ay yihiin kuwo aan sharci ahayn.

Guddoomiyaha Guurtida ayaa sidoo kale sheegay in ay sharci darro tahay in la jebiyo ama laga horyimaado go'aankii uu horay Golaha Guurtidu usoo saarey ee muddo xileedka loogu kordhiyey xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo iyo Baarlammaanka. HALKAN KA AQRISO

Hadalka kasoo baxay Guurtida Somaliland ayaa caqabad ku noqonaya heshiiskii ay xalay madaxtooyada Hargeysa ku gaareen saddexda xisbi siyaasadeed ee ka jira Somaliland: Kulmiye, Wadani iyo Ucid.

Heshiiska oo afar qodob ka kooban, wuxuu dhigayey

1- In la ixtiraamo go'aanka Golaha Guurtidu ku kordhiyey muddo xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, maadaama Golaha Guurtidu yahay mid dastuuri ah.

2- In doorashooyinka Madaxtooyda iyo Golaha Wakiilladu ay qabsoomaan bisha December ee sanadka 2016-ka.

3- Saddexda xisbi ee Wadani, Ucid iyo Kulmiye waxay soo jeediyeen in doorashadu qabsoomto bartmaha bisha December, 2016, iyadoo Guddiga Doorashaduna ay soo jeedin doonaan maalinta ay dhacayso doorashadu.

4- Waa in Guddiga Doorashadu cayimaa maalinta doorashadu dhaceyso, islamarkaana uu digreeto ku ansixiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

GAROWE ONILNE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM