Guurtida Somaliland oo diidey heshiiskii mucaaradka iyo dowladda

Image

May 29, 2015 (GO)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa kasoo horjeestey heshiis ay xalay magaalada Hargeysa ku gaareen axsaabta siyaasadda Somaliland, kadib khilaaf muddo todobaadyo ah soo jiitameyey oo ka dhashay muddo kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyeen Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada.

Saleebaan Maxamed Aadan oo ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa manta shir-jaraa'id oo uu Hargeysa ku qabtey, wuxuu ka sheegay in qodobadii kasoo baxay heshiiskii xalay la gaarey ay yihiin kuwo aan sharci ahayn.

Guddoomiyaha Guurtida ayaa sidoo kale sheegay in ay sharci darro tahay in la jebiyo ama laga horyimaado go'aankii uu horay Golaha Guurtidu usoo saarey ee muddo xileedka loogu kordhiyey xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo iyo Baarlammaanka. HALKAN KA AQRISO

Hadalka kasoo baxay Guurtida Somaliland ayaa caqabad ku noqonaya heshiiskii ay xalay madaxtooyada Hargeysa ku gaareen saddexda xisbi siyaasadeed ee ka jira Somaliland: Kulmiye, Wadani iyo Ucid.

Heshiiska oo afar qodob ka kooban, wuxuu dhigayey

1- In la ixtiraamo go'aanka Golaha Guurtidu ku kordhiyey muddo xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, maadaama Golaha Guurtidu yahay mid dastuuri ah.

2- In doorashooyinka Madaxtooyda iyo Golaha Wakiilladu ay qabsoomaan bisha December ee sanadka 2016-ka.

3- Saddexda xisbi ee Wadani, Ucid iyo Kulmiye waxay soo jeediyeen in doorashadu qabsoomto bartmaha bisha December, 2016, iyadoo Guddiga Doorashaduna ay soo jeedin doonaan maalinta ay dhacayso doorashadu.

4- Waa in Guddiga Doorashadu cayimaa maalinta doorashadu dhaceyso, islamarkaana uu digreeto ku ansixiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

GAROWE ONILNE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM