Habka fulinta heshiiska siyaasadeed ee coddeynta oo la faafiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamuladda ayaa ku heshiiyey habraaca loo marayo dhaqan-gelinta heshiiska siyaasadeed, dhismaha guddiyadda iyo hanaanka xalinta khilaafaadka yimaada.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku caddeeyeen Hannaanka Madaxabanaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada 2020/2021 iyo Mabaadi’da Guud ee Hannanka Xallinta Khilaafka ee Doorashada 2020/21.

Hoos ka akhriso bayaanka

Golaha Wadatashiga Qaranka waxay go’aamiyeen in Doorashada 2020/21 loo sameeyo hannaan madax-bannaan oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhasha doorashada, kaas oo ku saleysan dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadii’da caalamiga ee Xuquuqda Aadamiga.

Golaha Wadatashiga Qaranka iyagoo ka duulaya Mabaadi’da caalamiga, ilaalinta sharafta hannaanka doorashada, dhowrista xuquuqda codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta, waxaay lagama maarmaan u arkeen in la sameeyo habraac cabasho oo waxtar leh lana fulin karo, kaasoo lagu xukmin ama go’aamin karo cabashada codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta si sharci iyo sinnaan leh.

Qaab-dhismeedka Guddiga

Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa la dhisayaa ka hor magacaabidda/diiwaangelinta murashaxiinta iyo hawsha soo xulidda ergooyinka, waana inay socotaa ilaa laga xaqiijiyo natiijada kama dambeysta ah ka dib marka la eego dhammaan cabashooyinka iyo diidmada doorashada.

Guddigu wuxuu ka koobnaan doonaa labaatan iyo kow xubnood (21), kuwaas oo 9 xubnood ay soo magacaabayso Dowladda Federaalka ah, halka 12 xubnood oo kale ay soo kala magacaabayaan Dowladaha Xubnaha ka ah DF min labo (2) xubnood.

Waxaa la ilaalinayaa Metelaadda haweenka ee guddiga xallinta khilaafaadka iyagoo (30%) xubnaha guddiga ay noqonayaan dumar.

Guddiga xaruntiisu waxay noqoneysaa magalada Muqdisho, wuxuuna xafiisyo ku yeelanayaa xarumaha ay doorashadu ka dhacayso, iyadoo tixgalin gaar ah loo sameynayo Somaliland.

Guddigu waxaa uu kulan kooda ugu horeeya iska dhex dooranayaan Guddoomiye iyo Guddomiye ku xigeen. Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka waxaa la dooranayaa cod hal dheeri ah (50%+1).

Guddoomiyaha Guddiga ayaa saddex (3) xubnood u magacaabaya in ay ka hawl-galaan mid kasta oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah DF, waxayna go’aanadooda ku gaarayaan cod hal dheeri ah.

Hannaanka Xalinta Khilaafaadka doorashada ee 2020/2021:

Waxaa dacwad u gudbin kara guddiga xallinta khilaafaadka ergooyinka codbixiyayaasha ah iyo musharixiinta oo ay si toos ah u saameyo xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada.

Guddigu waxa uu ku dhameystirayaan go’aaminta cabashooyinka muddo todoba (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa maalinta cabashada loo soo gudbiyey si dhameystiran.

Guddigu waa inuu go’aannada cabashada ugu gudbiyaa dacwoodaha 24 saacadood gudahood marka go’aanka la qaato.

Kulamada guddiga ee lagu eegayo ama dhagaysanayo go’aanada guddiga, waa inay guud ahaan ahaadaan kuwo dadweynaha u furan (sida goobjoogeyaasha gudaha ee la ogolaaday, wakiillada musharaxiinta, wakiillada warbaahinta) haddii aysan jirin sabab amni.

Arrimaha ama diidmada u baahan xal siyaasadeed waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Wadatashiga Qaranka si isla ogol ah.

Qofkasta oo cabasho u gudbiya Guddiga waa in uu bixiyaa lacagta diiwangalin cabashada oo dhan $3,000 oo dollar (sadex kun oo dollar), waraaqda cadaynaysa in uu ku shubay xisaabta bangiga ee Guddiga dooroshooyinka heer Federal waana in uu kusoo lifaaqaa galka cabashadiisa.

Xilalka & Waajibaadka:

Guddiga xallinta khilaafaadka wuxuu awood sharci ah u leeyahay inuu eego oo go’aamiyo arrimaha soo socda:1. Guddigu wuxuu ka mas’uul yahay u garnaqidda iyo xallinta cabashooyinka laga keenay go’aanada iyo tallaabooyinka ay qaadeen labada heer ee Guddiyada ;

Guddigu wuxuu xaq u yeelan doonaa inuu baaritaan ku sameeyo oo uu go’aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharaxnimada ama cod-bixiyenimada sida (cagajugleynta, cod iibsiga, joojinta hawsha, saameyn xun oo lagu sameeyo isugeynta ama ku dhawaaqidda natiijada);

Guddigu waxa uu go’aannada ku qaadan doonaa aqlabiyad (50%+1) haddii ay xubnaha guddigu isku raaci waayaan go’aan wadar ogol ah, ka dib marka waqti ku filan la siiyo doodda iyadoo la raadinayo go’aan wadar ogol ah;

Muranka lagu diido go’aanada ay gaareen Guddiyada labada heer ee ku aaddan kala shaandheynta ergooyinka doorashada iyo/ama murashaxiinta u tartamaya mid ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka;

Go’aanada Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxaa dib u fiirin kara Madaxda Dowlada Federalka ah iyo madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah, Go’aankaas ay Madaxdu gaarto ayaa noqonaya go’aanka kama denbeysta ah, dibna dacwadaas uma gali karaan Guddi ama hay’ad kale oo sharci ah.

Guddiga Maamulka Doorashada Dadban ee 2020/21 ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF (GMDHDX)

Mabaadii’da

Golaha Wadatashiga Qaranka isaga oo ka duulaya heshiiskii siyaasadeed ee soo baxay September 17th, 2020 qodobkiisa 1aad oo sheegaya Magacabista Guddiyo labo heer ah, ansixiyeenna labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya September 26, 2020, waxaa habraacaan lagu qeexayaa Waajibaadka Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo sida ay ku imanayaan.

Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xaubnaha ka ah Dowlada Federalka ah uu ka kooban yahay 11 xubnood. kuwaas oo sideed (8) ka mid ah ay soo magacaabi doonto Dowlad Xubnaha ka ah DF, halka ay Dawladda Federaalku soo magaacabayaan min seddex (3) xubnood guddi walba oo ah heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF

Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Guddiga Maamulaya Doorashada Soomaaliland ay soo magacawdo Xukumadda DF ka ah iyagoo la-tashanaya Siyaasiyiinta kasoo jeeda Soomaaliland.

Guddigu wuxuu xilkiisa u gudandoonaa si ka madaxbanaan dhammaan mas’uuliyiinta siyaasadda iyo hay’adaha labada heer ee go’aanada gaara.
Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF waa in ay ka mid noqdaan ugu yaraan 30% dumar ah, si loo xaqiijiyo ka qayb-galka siyaasadeed ee dumarka.

Muddo-xileedka Guddigu waxuu ku egyahay hirgalinta doorashada ee 2020/21.

Shuruudaha Xubinnimada Guddiga Maamulka Doorashada ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah ee 2020/2021

Waa inuu yahay muwaaddin Soomaaliyeed, Muslim ah, dhimirkiisu dhan yahay, da’adiisuna ka yareyn 30 sano xilliga la magacaabayo.

Waa in uu yahay qof dhexdhexaad ah, ku leeyahay sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda

Waa inuu yahay qof hufan, karti leh, una gudan kara waajibaadkiisa si daahfuran.

Waa in Maxakamadi aysan ku xukumin xarig ka dhashay fal danbiyeed ciqaab ah shanti sano ee ugu danbeysay.

Waa in uusan xil siyaasadeed ka hayn dalka

Waa in aqoontisu aysan ka hooseyn heerka kowaad ee Jaamacadda ama waayo aragnimo u dhiganta leeyahay.

Waa inuu fahmi karaa, nidaamka doorashooyinka dadban ee 2020/21.

Waa in uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah

Qaab-dhismeedka Guddiga:

Guddiga waxay kulan kooda ugu horeeya iska dhexdooranayaan Guddomiye iyo Guddomiye Ku xigeen. Guddomiyaha iyo Ku xigeenka waxaa lagu dooranayaa aqlabiyad caadi ah ee xubnaha guud ee Guddiga (50%+1).

Shirkarka Guddigu wuxuu ku qabsoomayaa seddex meelood labo meelood ee tirade guud ee Guddiga.

Guddigu waxay go’aanada ku gaarayaan cod hal dheeri ah (50%+1).

Waajibaadka Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah.

Wadashaqeynta Guddiyada labada heer: Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF waxay wadashayn iyo xiriir joogta ah la yeelanayaan Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal, si loo xaqiijiyo in hannaanka doorashada uu noqdo mid mideysan isku-sina uga dhacdo dalka oo dhan.

Wacyigalinta Bulshada: Guddiga Maamulka Doorashadu waxay sameynayaan wacyigelin si dadwaynuhu u fahmaan nooca doorashada iyo sida ay ku dooran karaan Matalayaashooda Golaha Shacabka ama ergooyinka iyagoo qabanaya kulamo ama adeegsanaya Aaladaha warbaahinta.

Asteynta iyo diyaarinta Goobaha Codbixinta: Guddigu iyagoo ka taxadaraya xaaladaha amni, waxay si wadajira u diyaarinayaan xarumo codbixineed oo ergooyinka ku dooran karaan Murashaxiinta Xildhibanada Golaha Shacabka.

Diyaarinta iyo Hirgalinta hawlgalka hannaanka doorashada: Diyaarinta iyo hirgalinta hawlgalka hannaanka doorashada oo ay ka mid tahay qoridda shaqaalaha la shaqaynaya guddiga, isku dubaridka iyo hirgelinta hawlaha hannanka doorashada, isku xirka laamaha amniga

Qabashada iyo hubinta liiska ergooyinka doorashada: Qabashada iyo hubinta liiska ergooyinka doorashada, si loo xaqiijiyo in ergooyinka doorashadu ay ka kooban yihiin dhamaan qaybaha bulshada, iyadoo la xaqiijinayo 30% qoondada haweenka.

Xaqiijinta Liisaska Ergooyinka: Guddiga Maamulka doorashada wuxuu xaqiijinayaa in liisaska ergooyinka uu maray wada tashigii loo baahnaa, iyo in ay ku dhanyihiin jifooyinka kursigu ka dhexeeyo. Guddiga maamulku hadii uu xaqiijiyo in aan loo dhammayn liiska, waxaa uu dib u celinayaa liiska, iyagoo Guddiga Heer Federaal korjoogtayn doonaan hanaanka wadatashiga ee dib u sixida liiska ergada.

Habraaca Magacaabista Mushaxiinta Aqalka Sare: Guddigu waxay la wadaagayaan codsi qoraal ah Madaxweynayaasha DX-DF ka ah in ay soo sharaxaan musharaxiinta Aqalka Sare ugu yaraan labo musharax kursi kasta si waafaqsan shuruudaha xubinimada Aqalka Sare. Guddigu waxay qabanayaan waraaqdaha magacaabista musharaxiinta Aqalka Sare iyagoo ka hubinaya metelaada haweenka ee 30%.

Maaraynta diiwangelinta Musharaxiinta: Guddigu waxa ay maareynayaan diiwangelinta musharaxiinta iyo dib u eegista diiwangelinta musharaxiinta Golaha Shacabka iyadoo laga hubinayo in ay buuxiyeen shuruudaha musharaxnimada ee doorashada 2020/21.

Diiwan-gelinta ergooyinka: Guddigu waxaa uu diiwan-gelinaya ergooyinka, iyadoo ergay kasta la siinayo warqad aqoonsi si uu ugu gali karo xarunta codbixinta malinta codaynta.

Tababbarada Ergooyinka: Guddigu waxa uu diyaarinayaa, hirgelinaya tababarka iyo wacyigelinta xubnaha ergooyinka ee hannanka codeynta ee doorashada dadban ee 2020/21 ka hor inta aysan ka qaybgalin codeynta.

Hadal-Jeedinta Musharaxiinta: Guddigu waxuu fududeynayaa hadal jeedinta musharaxiinta Labada Aqal iyagoo mid kasta la siinayo 10 daqiiqo ka hor codeynta.

Maaraynta hannanka codeynta iyo tirinta codadka: Guddigu waxaa uu masuul ka yahay maaraynta habsami u socodka hannanka codeynta oo ay ka mid yihiin nidaamka codeynta, tirinta, isu geynta, xaqiijinta codadka iyo ku dhawaaqidda natiijada codeynta isla goobta codbixinta marka ay xaqiijiyaan Guddiga Hirgalinta Doorashada ee heer Federaal.

Gudbinta Natiijada: Marka doorashada heer dowladaha xubnaha ka ah DF ay ka soo dhammaato, Guddigu waxa uu u gudbinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashada ee heer Federaal liiska xubnaha ku guuleystay kuraasta goobaha, oo saxiixan si hor dhac ah.

GMDHDX waxaa uu hubinayaa Hirgalinta Qoondada haweenka 30% ee labada aqal ee baarlamaanka

Shuruudaha ka mid noqoshada Ergada Dooranaysa Xildhibaanada Golaha Shacabka

In uu yahay Soomaali, kana tirsan yahay beesha kursiga ku heshay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5.

In da’adiisu uusan ka yareyn 18 sano

In miyirkiisu caafimaad qabo, uuna awood u leeyahay in uu codayn karo

In uu fahansan yahay mas’uuliyadda doorashada

In uusan musharax u ahayn Labada Aqal midkoodna

In aysan maxkamadi ku ridin xukun kama danbeys ah ee fal dembiyeed lagu muteysanayo xabsi shanti sano ee ugu dambeysay.
In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada

In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada


Shaacintan ayaa soo idleyneysa madmadowgii ku jiray heshiiskii 17-kii September lagu saxiixay Villa Soomaaliya. Wuxuu si lamid ah meesha ka saarayaa cabsidii laga qabay muddo kororsi sharci darro ah oo madaxda ku dhaqaaqdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Ganacsatada Boosaaso Ku Wargeliyay in Aanay Dhaqaale Siin Daacish

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa xusay in qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ay dalka ka baxsadeen sababo la xiriira cabsida Daacish.

  • Soomaliya

    13-03-2025

  • 09:02AM

Maxaa kusoo kordhay weerarkii Hotel-ka Qaahira ee magaaladda Beledweyne?

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, qaraxyada iyo rasaasta ayaa ka dhigtay deegaanka mid kacsan oo kala carar iyo jahwareer ka jiraan.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 02:00PM