Hague: Qareenada Kenya oo weli ku doodaya in is-afgarad la saxiixdeen Somalia

Image

HAGUE, Natherland- Maxkamadda Hague maalintii shaley 21 Sept, 2016 waxay markii labaad dhegeysatay Qareennada Kenya ee ku doodaya in aan la furin dacwadda ay Soomaaliya u soo gudbisay Maxkamadda ee Kenya ka dhanka ah.

Waxay ahayd wareeggii labaad ahna kan ugu dambeeya. Xoogga dooddu waxay ku salysnayd MoU ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya sannadkii 2009 oo Kenya ay ku doodeyso in macnaheedu yahay in ay labada dal ay keligood ka wadaxaajoodaan oo ay xal ka gaaraan soohdin badeedda ay ay ku muransan yihiin. Soomaaliya jawaabteeda subaxnimada Jimcaha ayay dhici doontaa.

#Xigasho Yusuf Garaad

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM